FIFA VIRUS;iyo siduu saameyn ugu yeeshay kooxaha Top6 ee horyaalka Premier League.

Sida aan wada ognahay waxaa lagu dhex jiraa xiligii ay cayaartoyda ku maqnaayeen gudashada waajibaadkooda qaran, waxaana sida caadada aheydba xidigaha kooxohooda ka maqan qaarkood lasoo kulmeen dhaawacyo.

Hadaba halkaan waxaan idiin kuugu soo gudbin doonaa dhaawacyada ay la kulmeen cayaartoyda EPL ka xamaalato ee wajibaadka qarankooda ku maqan iyo koox kasta tirade xidigaha dhaawac kasoo gaareen.

1-A.Robertson;

Wuxuu seegi doonaa kulanka xulkiisa la cayaari doono Kazakhstan oo qeyb ka ah is reebreebka koobka qaramada yuru 2020ka maadaama uu qaliin ilkaha mari doono hase yeeshee wuxuu diyaar u noqon doonaa kulanka San Marino.

2-Luka Shaw;

Wuxuu xarunta tababarka England kaga soo tagay dhaawac asigoona haatan magaalada Manchester dib ugu soo laabtay walina lama shaacin mudada uu garoomada ka maqnaan doono waxaase macquul ah inuu cayaaro kulanka 30ka Marso kooxdiisa la cayaari doonto kooxda Watford.

3-Romelu Lukaku;

Wuxuu seegay kulankii ugu dambeysay ee kooxdiisa cayaartay tartanka FA Cup kadibna waxaa looga wacay qarankiisa iyadoo baaritaano la sameeyay lagu ogaaday inuu wali dhaawac qabo isla markaasna uusan kulamada qarankii Belgiumka cayaari Karin.

4-Matic;

Xulka qaranka Serbia ayaa sheegay inuusan cayaari Karin kulamada qarankiisa la cayaari doono xulalka Germany iyo Portugal dhaawac soo gaaray dartiis wuxuuna dib ugu soo laabtay magaalada Manchester.

5-John Stones;

Waxaa laga saaray liiska xulka qarankiisa maadaama uusan sidii la rabay usoo kasban asigoona dib ugu soo laabtay magaalada Manchester waxaana la rajeynaa inuu soo laaban doono kadib fasaxyada qaramada markii laga soo laabto.

6-F.Delph;

Wuxuu ku dhaawacmay kulankii FA Cup ee kooxdiisa la cayaartay kooxda Swensea City waxaana laga saaray liiska xidigaha qarankiisa maadaama sidii la rabay usoo kaban waayay.

7-Loftus-Cheek;

Wuxuu isaga tagay xarunta tababarka xulkiisa kadib dhaawac soo gaaray iyadoo aanan ilaa iyo haatan la faahfaahinin xaaladiisa dhaawac.

8-Xherdan Shaqiri;

Waxaa loo maleynayay inuu caafimaad qabo balse waxaa dib laga ogaaday inuu dhaawac qabay kaasoo ay kooxdiisa Liverpool qarqarineysay jase yeeshee xulka qaranka Swezerland ayaa shaaciyay inuusan cayaari Karin kulamada xulkiisa ee is reeb-reebka koobka qaramada yurub.

9-Ethan Ampadu;

Da’yarkaan ayaa sidoo kale dhaawac looga reebay kulamada qarankii Wales cayaari doono isreeb reebka koobka qaramada yurub mana la shaacin xiliga uu dib usoo laaban doono.

10-Marcos Rashford;

Tababaraha qaranka England Gareth Southgate ayaa sheegay in Rashford uu qabo dhaawac anqowga ah isla markaasna uusan cayaari Karin kulamada qarankiisa.

Rashford ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Manchester asigoona haatan diirada saari doono inuu taam u noqdo kulanka isbuuca dambe ee Watford.

11-Eric Dier;

Laacibkaan qaranka England iyo kooxda Tottenham ayaa dhaawac looga saaray kulankii xulkiisa xalay la cayaaray xulka qaranka Czech Republic.

F.G. Liiska xidigaha dhaawaca uu soo gaaray halahaan kuma eka maadaama kulamada qaramada aduunka aysan wali dhamaanin waxaana macquul ah iney intaan kasii bataan.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline