Ciyaartooyda kooxda Real Madrid oo la karantiilay

Ciyaartooyda kubadda cagta iyo koleyga ee ka tirsan kooxda Real Madrid ayaa loo diray in iskood isu karantiilaan kaddib markii ciyaartooy ka tirsan kooxdan ka dhisan Spain laga helay cudurka Corona.

Waxay arrintani horseeday in ciyaaraha horyaalka La Liga la hakiyo muddo 2 toddobaad ah.

Wuxuu go’aan ka dambeeyay markii saraakiisha La Liga ay la kulmeen xiriirka kubadda cagta Spain iyo ururada ciyaaraha ee dalkaas.

Dalka Spain in ka badan 2,000 qof ayuu ku dhacay feyraska Corona.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline