var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Waxtar intee le’eg ayey midnimadu u leedahay dadka Soomaalida ee maanta nool ?

Ilwareed Online –

Waxaan qormadan kaga hadli doonaa haddii uu Rabbi idmo mowduuc aan isleeyahay ma jiro wax uga muhiimsan dadka Soomaalida ee maanta nool, Gaar ahaan kuwa ku dhaqan dhulka Jamhuuriyadda ee ka kooban 18-ka gobol. Mowduucan, Ayaa ku saabsan midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka. Waxaana inta aan ku guda jiro qormadeyda ka jawaabi doonaa su’aasha aan cinwaanka uga dhigay maqaalka oo ah : Waxtar intee le’eg ayey midnimadu u leedahay dadka Soomaalida ee maanta nool ?


Inta aanan ka jawaabin su’aashaasi muhiimka ah, Aan marka hore waxoogaa ka waramo dadka Soomaalida iyo waxa ay isu yihiin, Taasi oo runtii sawir buuxa naga siin doonta waxtarka ay midnimadu u leedahay dadka aan ka waramayo ee ehelka ah. Dadka Soomaaliyeed, Ayaa ah dad walaalo oo ay mideysay diin, dhalasho, dhaqan soo jireen iyo waliba xididtinimo aad u adag. Waxa ayna isku leeyihiin sedex xuquuq oo kala ah: Xaqu-diin, xaqul-qaraaba iyo waliba xaqul-jaar.

Sedexdan xuquuqood ee aan soo sheegay, Ayaa ah sedex arimood  oo uu kugu leeyahay qofka Soomaaliga, Gaar ahaan marka uu magaalo kugula nool yahay oo kale. Haddii uusan kugula nooleynna, Waxa uu qofkaasi kugu leeyahay labo xaq oo kal ah: xaqu-diin iyo xaqul-qaraabah. Tusaale ahaan, Haddii aad ku nooshahay magaalada Luuq Ganaane oo kale oo ah magaalada aan ka soo jeedo, Waxa uu kugu leeyahay qofka Soomaaliga ah ee magaaladaasi kugula nool sedexda xaq ee aan kor ku soo sheegay.

Dadka Soomaalida oo ah dad Muslimiin oo ay ka dhaxeyso walaalnimada Islaamka ee macaanka badan, Hadana sidoo kale waxaa ka dhaxeeyo qaraabanimo iyo xididtinimo aad u adag oo waliba qiimo badan ugu fadhida agtooda. Qaraabanimadan iyo xididtinimadan adag, Ayaa waxa ay ka dhigeen bulshada Soomaalida mid isku xiran oo dhinac walba iska kaalmeysa. Waana sababahaasi sababaha ay uga badbaadeen taxadiyo badan oo soo wajahay sida shirqoollo shisheeye oo kale. Waxaa sidoo kale dadka Soomaalida ka dhaxeeyo dhaqan iyo luuqad aad u hodan ah.

Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan maanta cinwaan uga dhigay: Waxtar intee le’eg ayey midnimadu u leedahay dadka Soomaalida ee maanta nool ? Jawaabtu waxaan leenahay waxtar weyn ayey midnimadu u leedahay Anagoo waliba faahfaahin doona arinkaasi, Islamarkaanan u keeni doono dalaa’il fara badan. Midnimadu, Waxa ay waxtar weyn u leedahay Umaddeena, Bal waxaan oron karaa waa waajib in ay midoobaan maxaa yeelay, Waxaa arinkaasi ku jira guushooda iyo waliba wanaaggooda.

Walaalayaal, Midnimadu waxa ay umaduhu ka dhigtaa kuwa adag oo aan marna cadowgoodu soo hunguriyeyn karin. Halka tafaraaruqa iyo kala-taguna uu umaduhu ka dhigo kuwa jilicsan oo si fudud la dhexgali karo, Islamarkaana la maamulan karo haddii aanba la qabsan. Taana waxaana daliil u ah xaalkeenna shalay iyo midka aanu maanta ku sugannahay ee liita. Shalay, Waxaanu ahayn qaran xoog leh oo aan marna cadowgu soo holin karin. Halka uu maantu dhex siqayo gudaha dalkeenna, Isagoo waliba garsoore mukaram ah.

Shalay, Markaannu mideysneyn, Waxaanu ahayn dad sharaf leh oo Caalamka laga ixtiraamo, Islamarkaana la qadariyo. Halka aan maanta naalno meel aad u liidata. Tafaraaruq iyo kala-tag waxay na bideen in cadowgeennii soo jireenka ahaa uu maanta fursad u helo in uu ku hamiyo in uu dalkeenna si tartiib tartiib ah ula wareego ama uu sii baabi’iyo, Isagoo waliba taageero ka helayo quwado shisheeye oo aannu isla ognahay kuwa ay yihiin. Taana waxaa daliil u ah dhacdadii Qalbi-dhegax ee xanuunka badneyd.

Midnimadu, Waxa ay umadahu u horseeddaa inay iska difaacaan duulaan kasta oo dibadda kaga yimaado iyo waliba xittaa midka gudaha. Tusaale ahaan, Marka aad mideysan tahay cidina kuma soo dhiiran karto inay wax ku yeesho, Laakiin marka aad qeybsan tahay cid walba waxa ay awood u leedahay inay  ku dhibaateyo. Waana sababtaasi sababta ay u dhaawacan tahay midnimada iyo madaxbanaanida dalkeenna. Shalay, Ma jirin shisheeye awood u leh inuu soo farageliyo arimaha gudaha ee dalkeenna.

Shalay, Ma jirin shisheeye ku dhiiran karay in uu boobo kheyraadka dalkeenna Iskabadaaye inuu si fudud u furto saldhigyo militari oo qatartooda lehe. Laakiin markii la iskhilaafay, Waxaa dhacay in qolo walba ay timaaddo, Iyadoo dooneysa in ay saldhigyo militari furato iyo waliba Iyadoo dooneysa inay si fudud ula wareegto ilihii dhaqaalaha ee dalkeenna sida dekedihii oo kale. Sow wax lala yaabo ma’ahan in duweylatu Imaaraad Al-cibriyah ay maanta damaaciso dalkeenna, Iyadoo waliba ujeeddo badan ah !!

Midnimadu, Waxa ay umaduhu u horseeddaa horumar xag kasta ah sida mid dhaqaale, mid militari iyo waliba mid bulsho. Tusaale ahaan, Marka aad umad ahaan iyo dal ahaan u mideysan tahay, Islamarkaana aad heysato hogaan wanaagsan oo leh aragti dheer, Ayaad sameysaa dhaqaale iyo horumar baaxad leh. Waana sababtaasi sababta ay u hormareen dalalka barwaaqada ah ee aannu maanta naqaano sida Maraykanka oo kale. Sidee dhaqaale iyo horumar u sameyn kartaa yaa turaa Adigoo kala qeybsan oo hadana is-dilayo ? Kallaa wallaaah.

Wey adag tahay runtii in la helo dhaqaale iyo waliba nolol wanaagsan oo sharaf ku dhisan, Iyada oo uu jiro khilaaf iyo tafaraaruq baahsan sida midka hadda ka jira gudaha dalkeenna oo kale. Waana sababtaasi sababta keeneysa in la wareego dibadaha, Iyadoo la weydiisanayo kaalmo iyo mucaawino shisheeye. Ma taqaanaan waxa ku qasbayo madaxda hogaamisa maamulada ka jira gudaha dalkkeenna inay dibadaha wareegaan ? Ma taqaanaan waxa ku qasbayo C/wali Gaas inuu dibadaha wareego, Isagoo waliba hogaamiyo maamul lokol ah ?

Waa iska caadi runtii in sidan loo noolaado marka la diido midnimo iyo wanaag. Waa iska caadi xaqiiqdii in uu xaalku sidan noqdo marka la doorbido khilaaf iyo tafaraaruq, Iyadoo la midoobi karo si loo waajaho taxadiyada badan ee jira. Anigu, Waxaan aaminsanahay haddii Soomnaalidu ay midowdo, Islamarkaana ay hesho hogaan caadil ah oo leh karti iyo aragti dheer in dalkani laga dhigi karo dal barwaaqo ah sababo la xariira kheyraadka baaxadda leh ee uu Alle ku maneystay iyo waliba goobta uu ku yaallo ee istiraatijiga darteed.

Tan kale, Ma jirtaa wax aan ka faa’iidnay midnimo la’aantii aan ku jirnay dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay ? Ma jiraa qof ii sheegi kara waxa laga faa’iiday khilaafkan aan macnaha lahayn ee shaqada laga dhigtay ee mararka qaar sababta u noqda inuu daato dhiig xaaraam ah ? Mase loo jeedaa dhibaatooyinka ay dhex-maquuranayaan dadkeenna dal iyo dibadba ee ay midnimo la’aantu keentay iyo waliba shirqoolada shisheeyaha ? Sow lama oga in uu dhaawac soo gaaray sharafkii iyo karaamadii aannu lahayn ?

Midnimadu ma’ahan wax wanaagsan oo kaliya bal waajib diini ah sida laga fahmayo nusuus badan oo isugu jirta aayado qur’aan iyo axaadiith saxiix ah. Waxaana ka mid ah aayadda 103-aad ee suuratu Al-cimraan oo uu Alle ku leeyahay “Qabsada xariga Alle dhamaatiin hana kala tagina” —–ilaa aakhiri aayah. Aayad kale, ayaa waxa uu Alle ku leeyahay sidatan ” Ilaah adeeca iyo Rasuulkiisa, Hana murmina oo aad markaasi fashishaan, Ka dibna ay awooddiina kala takto”—– aakhiri aayah (Anfaal 46)

Labadan aayadood, Waxaa laga qaadanayaa in midnimadu ay waajib ku tahay dadka Soomaalida oo aysan marna ka tagi karin, Halka ciddii ka taktaana ay ku danbaabeyso. Sidee looga tagayaa yaa turaa amar Alle oo waliba waajib ah ? Waxaa kaloo labadaasi aayadood laga qaadanayaa in fashilku uu ku xiran yahay kala tagga iyo waliba is-khilaafka. Bal fiiriya waxaa maanta ka socda gudaha dalkeenna ee foosha xun. Ma wax wanaagsan baa in dadka Soomaaliyeed ay maanta ku kala dhex jiraan ciidamo shisheeye oo ay ku jiraan kuwa ka socda maamulka Xabashida !!

Waxaa sidoo kale midnimada ku soo arooray axaadiith saxiix ah. Bal ila fiiriya xadiiskan qiimaha badan ee uu Nabigu ku leeyahay “Ilaahay waxa uu raali idinkaga noqday sedex arimood, Waxa uuna idiin nacay sedex kale. Alle, waxa uu raali idinkaga noqday inaad Isaga caabuddaan oo aydan u shariik yeelin, Waxaa kaloo uu raali idiinkaga noqday inaad xarigiisa qabsataan oo aydan kala tagin —Ilaa aakhiri xadiith.  Xadiith kale ayaa ahaa sidatan ” Waxaan idin amrayaa midnimada, Waxaana idinkaga digayaa furqada (kala tagga) ”

Haddii aan wax ka niraahno dhanka suugaanteenna oo runtii kaalin weyn ku leh hab-nololeedka Bulshadeenna xilli kasta oo la joogo. Waxaad arkeysaa boqolaal gabay iyo bololaal maahmaahyood oo dhamaantood boorinayo midnimada iyo wadajirka. Bal aan soo qaadanno gabaygan ka hadlayo qiimaha midnimada [Tabantaabada ayey labo gacmood tabar ku yeeshaane, Tiska waxaa la qaadaa markii ay tiirisa bidixduye, Haddii ay midigtu kali taagan tahay tahar ma goyseenee]  halka maahmaah Soomaaliyeed ahayd [Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan ]

Dhammaan nusuusta aan soo daliishaday iyo waliba murtidii kale ee aan ka soo qaatay suugaanteenna hodonka ah, Waxay dhamaantood nagu boorinayaan in midnimadu ay tahay wax wanaagsan oo ay umaduhu ku hormaraan. Waxaa kaloo ay nusuustaasi noo cadeyneysaa in midnimadu ay tahay midda keenta horumarka iyo barwaaqada iyo waliba xoogga wax la isaga difaaco. Waana sababtaasi sababta ay dadyowgu Dunida mar walba ugu dadaalaan midnimadooda. Wali ma aragteen shacabka Mareykanka oo ku baaqayo kala-tag iyo in dalkooda la kala qeybiyo ?

Hadabo, Si loo ilaaliyo midnimadaasi qiimaha badan, Waa lagama maarmaan in la xaliyo dhammaan dhibaatooyinka ka dhex jira dadka Soomaalida gaar ahaan kuwa hortaagan in dowlad wanaagsan la helo, Taana waxay u taallaa guud ahaan dadka waxgaradka, Gaar ahaan ragga maanta horboodayo maamulada ka jira dalka sida Dowladda Federaalka, Xarakada Al-shabab, Maamulka Soomaaliland, Buntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo waliba Jubbaland. Ogaadana in taariikh qormeyso.

Ugu danbeyn, Markan hadalka soo uruuriyo, Midnimadu waa sharaf, haybad, xoog iyo waliba hanti aan dhammaan. Sidoo kale, Midnimadu waa furaha guusha sida laga fahmayo nusuustii aan soo sheegay iyo waliba murtidii Soomaaliyeed ee aan soo tilmaamay. Waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed ee maanta nool in ay ku dadaalaan midnimada dalkooda si loo wajaho taxadiyaadka faraha badan ee maanta jira iyo waliba kuwa imaan doona sanadaha soo socda. Soomaali ha noolaato Iyadoo sharfan.

W/Q: Maxamed Ibrahim
[email protected]



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.