U Gabara Deegaan Dhan

U Gabara Deegaan Dhan

W/Q

Burhaan Burhaan

 

Qeybta 1-aad

Waa fiidnimo Qamiis ah. Waa sagaalkii fiidnimo. Baskii uugu danbeeyay ayuu  kasoo dagay. Xiligaas magaalada Muqdisho in la wareego aad ayaa looga deyriyaa. Magaaladu waxay u kala xirantahay lix qeybood, oo ay ka kala taliyaan lix hogaamiye kooxeed. Gacantuu seyrinayaa, oo isla hadlayaa kaligii, sidii hooyo cunugga kaliya ay dhashay laga soo tumay, oo xanaaqsan. Kaba saandal ah oo dhamaad ah uu iska soo badalayna bacuu ku walfinayaa. Allow uusan dadka indhaha kaga dhufan! Dhowr qofood oo “Yuusuf caawa halkee saacaan ka timid?” su’aashay, dheg jalaq uma siin. Wax walba uu arko macna uma sameynayaan. Markuu arkay dhalinyarada xaafadda, oo uu Maxamed Kuus ka dhawaaq garanayay, oo ka sheekeysanaysa kubadda ee leh “Michael Owen la’aantiis Lifarbuul waa la tumi lahaa” Wuxuu ku ganuunacayay Owen aa! War jecli badanaa? Illeen midka Maxamed Kuus ah war Jecli isagaa loogu yimaadaa! Maxaa ka galay qaruumaha shaqa la’aantu ka badatay ee iyagoo waa wayn banooniga ceerdeysanaya? Hadaan Maxamed Kuusoow maalin danbe ku salaamo! illeen nin shaqo la’aan caar yeeshay baad tahay!

Waxaa ka darnayd markuu garaashka weyn hortiisa kusii maray ciyaalka xaafadda oo qosol la rafanaya, Rabi baa og waxay ku qoslayeene uu is yiri “waaba ii faraxsanyihiin sidii dad aduunyoo dhan u dhantahay”. Isagu waa isla saxanyahay waxaad moodaa in qiyaamihii oo dhacaya loosoo sheegay, dadkoo dhamina aysan u warhayn. Waxa gubaya tira badanaa! oo mindhaa mashaakil badanaa! Gurigoodii buu soo galay oo sheeko, qosol iyo sawaxan kale la bulxamaya. Sidii lagu yiqiinay, dadka sheekeysanaya, ee walaal, waalid, qaraabo iyo deris isugu jira inta ku leexday, salaan, kaftan iyo dacaayad kulama leexan sidii caadada u ahayd,  ee siduu u sii socday qolkiisii buu galay, sariirtiisii buu isagoon dharkii iska badalin isku dul tuuray oo markiiba gam’ay.

kumase sii raagine walwal buu indhaha isugu geeyn waayay. Inta ka toosuu hadana walaalkiis Hanad, oo ah caruurtooda kan u yar oo sariirtiisa hurda baalka ka galay. Naxariisuu biday wax aan saas u sii weyneyn ayuu ku qaboobay kumase filnaanin. Inta kasii cararuu hooyadii macaan oo hurdeysa qolkeeda aaday, oo inta nalkii u damiyay, raadiye Sanyo ah oo labo sameecadle ah oo ay BBC-du inta kabaxday wali iska sii balwaya isna damiyay, baalka hooyadii ka galay.

Hooyo Sahro iyadu meesha idaacaddu uga baxdo hurdada waa gashaa. Si fiican ayuu ugu nastay, ku qaboobay kuna gam’ay. intii uu hurdayay oo dhanse wuxuu ku qarwayay wixii xalay dhacay. Muno afkeedii ayaa u sawiran. Wali wuxuu xasuustaa sidii ay afka u kuusaysay oo ay u lahayd “GUUR”, hadba haf ayuu soo yiraahdaa naxdin.

Maalintii Jimacaha ahayd oo dhanna sidii bukaan socod buu liicayaa, oo hadba is ciil kaambinayaa. Wuxuu ka caraysan yahay sida ay Muno u lug gooysay, oo waqtigiisa uga lumisay, waliba iyadoo lagu jiro xilli imtixaanaadkii u danbeeyay ee sannadku soo dhawyihiin. Wuxuu dhigtaa fasalka sadexaad ee Dugsiga Sare, howl badan baa u taal, wax quman oo muraajaco ah muusan samayne, waqtigiisa oo dhami wuxuu u qeybsanaa mar uu leenleenka Barakaatka ah, oo ahaa xiligaas taleefanka kaliya ee la helo, saf ugu jiray, iyo mar uu Muna kula shekeysanayay. “Duf ku bax” buu halqabsi ka dhigtay. Bal ha habaaramee waa imisa jir?

Waa sideed iyo toban jir, sida uu isagu isu arko, aad u dhibban.

Waxay ahayd maalin ka hor, markuu aabihii lacag ka qalqaashaday si uu kaba usoo iibsado. Suuqa weyn ee Bakaaraha buu cabaar dhex wareegayay, kabihii uu rabay buu soo iibsaday. Asxaabtiisa oo dhan waa ku dacaayadeeyaan Yuusuf in uu markasta hal nuuc oo kabo ah soo iibsado. Markay dhamaadaan isla kuwii buu soo iibsadaa.

Sidii fursada u ahaydba, markasta uu magaalada soo aado waxay u tahay mar marsiyo uu ku tago xaafadda Xamar Jadiid. Aad buu u jecelyahay xaafadaas. Asxaab badan oo ay isku iskool yihiin baa dagan. Sheeko, kaftan iyo madadaalo kaleba aad buu uuga soo dhergaa. Asxaabtiisuna waxay jecelyihiin in uu la joogo, oo iyaga dartood buu Qamiis kasta baska ugu danbeeya usoo raacaa. Tukaankii saxibkiis Barre oo laamiga saarnaa buu isi sii dhex taagay.

Saaxiib haye maxaad heysaa? Maasha Allah tukaanka waad camirtay. isagoo qoslaya buu sawir darbiga tukaanka ku dhaganaa farta ku fiiqay oo Barre weydiiyay “adi maasawiray midkaan?”.

“Waa ii dhacan lahayd hadaan kan oo kale sawiri karo, waan soo iibsaday saaxiib” ayuu Barre ku jawaabay.

Sawirku wuxuu muujinayaa laba tukaan oo isku ag sawiran. Midi waa camiranyahay, waxaana ku hoos qoran  “Deyn diide” kan kalena waa faaruq waxaana ku hoos qoran “Deyn bixiye”.

“Barrow saaxiiboow sawirkaan bilaash baad meesha ugu dhagsataye, waad ogtahay in aadan deyn diidi Karin”, ayuu Yuusuf oo qoslaya ku yiri Barre.

“Waan ogahay, dhalinyarada i wareeriso kaliya baan tusaa markaan rabo in aan deyn uga dhaarto” ayuu Barre ku jawaabay isagoo dhoolacadaynaya, aadna uugu faraxsan saaxiibkiis aragtidiisa. Inta maqalka tukaanka kasoo baxay, ayuu Barre Yuusuf salaan gacan qaaday, oo kursi u dhigay tukaanka hortiisa, markiina, labo shaaha ka dalbay Makko, oo ah hooyo shaah ku karisa biibito bidix ka xigta tukaanka Barre. Gabay, Abshir Bacadle in uu qaadayo Yuusuf uu fahamsanyahay, laakiin magaciisa uusan markaas xasuusnayn, oo cod gaaban ku baxaya baa biibitada Makka ka daaran.

Dhinacca midig tukaanka Barre waxaa kaga dhagan, nin dadku uugu yeeraan Dhuunbe, oo markaad aragtidba sigaar afka ku haya, hees aad u macaanna ku luuqeeynaya. Dhuunbe wax uu gado cid aad u hubta lama hayo, tukaanka markaad inta hortagtid fiirisidna, mugdi dartiis waxba kama muuqdaan. Yuusuf oo kaftamaya baa Barre ku yiri “Saaxiiboow Dhuunbe beentaan uu gadayo, maa inta iska daayo muu fanaan noqdo, aad buuba u cod macaanyahaye”.

Barre, waa Yuusuf saaxiibadiis midka uu sida dhabta ah uugu kalsoonyahay uuguna jecelyahay, laakiin dagaalkooda oo badan iyo Barre oo mar walba jecel in uu Yusuuf dhibadhibeeyo bey dadku moodaan in aysan sidaas isku sii ahayn.

inteeysan Makko shaahii keenin, waa tanaa Muno iyadoo socoto ood moodid in ay Yuusuf soo urisay. Arageeda markuu u jeeday ayuu Yuusuf kala badbatay, hadaladii qaarna kari waayay, qaarna iloobayba.

Muno Eebe ayaa qurux u dhameeyay. Ninkasta haddii la weeydiiyo in uu gacantiisa, gabadha aduunka uugu qurxoon uu ku sawiro, nin kasta Muno ayuu sawiri lahaa. Muno waa dheertahay, dhuubantahay, oo aad u caddahay. Muno ilko aad u cadcad aadna u siman bay leedahay. Garbasaarka oo waxyar gadaal uga sikaday bay markaad aragto soo celinaysaa, markaas bay hadba tiraah, “Alla Rabiyoow garbasaarkii baa iga dhici tagay” laakiin qof kasta wuxuu aaminsanyahay in ay si ku tala gal ah iyadu garbasaarka isaga sikiso si ay timaheeda, jileecca ah, madowga dhalaalaya ah ee xabad weynta ah ay dadka u tusiso. Gabdhaha faceeda ah waa ka labis qurxoontahay, oo markaad aragtidba waxaad moodaa in ay xaflad usoo labisatay. Cod dabacsan oo dhagta u roon bay leedahay, oo maantoo dhan ay ku qabanayso in aad dhagaysatid. Qosolkeedana waa la isku wada sheegoo, jirrooyinka qaar waa bogseeyaa. Muno horaaddo iyo qaar danbe oo jirkeeda intiisa kale ku jaan go’an bay leedahay. Jirkeeda meel qaloocan ama kala dheer malahan.

Yuusuf wuxuu kula kaftamaa, “Munooy Eebe adiga, waa kugu farayareeystay, markuu samayntaada dhameeyayna, inta ku eegay, buu yiri “middaan caadi maaha””. Iyadoo amaantaas u bogbogeysana waxay Yuusuf ku tiraahdaa “war heedhe danbiga iska dhaaf”.

Munoo dhoolacadaynaysa garbasaarkana toostoosisanaysa baa tiri “Yuusuf, aboowe, aad baan ugu faraxsanahay in aan ku arko, seetahay caafimaadkaaga?”

Yuusuf oo codkiisa in gariir laga dareemo ka baqanaya baa ku jawaabay “maasha Allah, Muna cadeey see iitahay? in aan hadeer baxaan rabay laakiin hadaad timid xoogaa waan joogayaa”. “Xoogaa! Caadi iska dhig. Maxaa kaa cararaya? Waa Qamiis, beri oo dhan oo jimacaana fasax baad tahay, baska u danbaaya in aad raacdo ku tasho ama caawa Barre la seexo.”

Yuusuf wuxuu iska dhigayaa nin la celshay, laakiin wax uu ka jecelyahay gabadhaas cad in uu la joogo illaahay ma uumin. Baraf baa maray markuu hadaladaas Muno ka maqlay, wuxuuna hoos iska yiri, nolosha la sheegayoo dhanba waa sidaan, Alla macaanaa in la noolaadaa. Tartiibtiisa buu salka dhulka ugu sii xajiyay, shaahisiina dhakabdhakbsi ku bilaabay.

Muno inta kursi soo qaadatay ayeey Yuusuf agtiisa soo dhigatay. Yuusuf dhiniciisa bay iyadoo kursigii ku fadhisa kusoo sigsigatay, oo Yuusuf uugu soo dhawaatay si aad ah, oo dadka jidka maraya, ay u maleynayeen in labadaan qof ama is qabaan ama isla dhasheen.

Sheekooyin dhaadheer bay Yuusuf ku gurtay oo u badnaa, gabdho Muna ku fasal ahaa oo la guursaday, Munana waxay u aragtay in gabdhahaas ay mustaqbalkooda ku cayaareen, waxayna aaminsanayd in fikirka ah in gabar laguursado ay waxbarashadeeda sii wadanayso, uu yahay fikir qaldan, waligiisna aanan la arag cid arintaasi u shaqaysay. Yuusuf madaxa ayuu luxaaa, oo hadba hadallo yaryar sida, “waan gartay” iyo “wallaahi dheh” buu yiraahdaa sida nin sheekadu ku socoto, laakiin haddii ay Muno oran lahayd wixii aan hadeer iri ku celi, wuu bariiqan lahaa. Waxa kaliya oo Yuusuf ku socda, waa gabadhaas ag fadhigeeda, carafta kasoo baxaysa baa sarqaamisay, indhaheeda meesha cadna ay aadka u caddahay meesha madawna aad mooddo in ay qaxwi tahay, iyo sunniyaheeda aad moodo in sakiin lagu soo simay buu ku dhex lumay.

Waa markii ugu horeysay uu wajigeeda sidaan oo kale u arko, galabta wuxuu firaaqo ku helay, iyadoo aad ugu dhaw iyo iyadoo qoraxdii galbeed ee Xamar ay soo jeedo. Halmar baa xishood, ceeb iyo naxdin Yuusuf wajigiisa ka muuqatay, oo farxaddii Muna wajigeeda uu ku daawanayay ka kala qasantay, markii ay niyadiisa kusoo dhacday, “barakalaawe Yuusufow gabadha wajigeeda aad sidaas uugu jeedid, soo adna kaaga, finanka, xogxogga iyo bustii Bakaaro ay ka muuqdaan uma jeeddo”. Yuusuf sigsikasho iyo in uu daamanka gacmihiisa saaro buu bilaabay. Isagoo ceeb meel uu is geeya la’ baa maqribkii la adimay, waaka inta booday yiri “Muna cadeey, isii sug masaajidkaas baan kusoo tukane”.

Cabdi Cali oo isna ay isku fasal yihiin buu jidka kusii arkay. Salaan kadib Yuusuf baa Cabdi Cali weydiiyay in uu masaajidka u raaco, Cabdi Calii oo ay iska caddahay in uu uusan masaajid u socon baa ku jawaabay, “Saaxiib waan ku raaci lahaaye, shiikhaa lacag igu leh”. Yuusuf oo qoslaya baa horey uga sii gudbay inta ku yiri “wallee Cabdoow xarfaanimadii lagaa sheegaayay in ay runtahay.”

Maqribkii markii la salaamanaqsaday, Yuusuf farahuu iska soo bixiyay, sidii qof gaari gobol u socda ee uu la socday oo la sheelareynaya maqlay. Dhowr qofood oo wali salaad ku jirtay wuu dardaray, qaar cimaamadahoodii hortooda yiilay luguhuu kusii qaatay, kabihiisiina inta dafay, isagoo ordaya banaanka kusii gashaday.

Muno oo tukaanka sii iibinaysay ayuu usoo galay isagoo neef tuuraya sidii ruux lasoo cayrsaday. “Aaway Barre?” ayuu weydiiyay, “soo masaajidka kuma soo arag?”  bay iyana weydiisay, markaas buu isagoo is ceebsanaya, been sheegoo ku jawaabay, “waan tartameeynoo malaha anigaa kasoo hormaray, markaan arki waayay baan adiga ku su’aalay”.

 

Barre markuu yimid bay inta istaagtay tiri “Yuu na keen, hooyo baan Shaaciye beegar uuga soo gadayaaye.”

Masha Allah, runta ii sheeg, hooyo ma adaa u gartay mise iyadaa kuusoo dirsatay in aad u iibisid casho?

“Iyadaa iisoo dirsatay, laakiin laba gooraba, wallaahi, waan usoo gadi lahaa” bay isku difaacday. “Hayeh, na kaxee” buu Yuusuf yiri, laamigii jidka sodonka ahaana cagta ayeey saareen.

Waxyar markay socdeenba, Munaa farta ku fiiqday wiil 28-30 jir u dhaxeeya oo dheeree madoobe caata ah. Waxay tiri “Yuusufow, ninkaas habeen hadda ka hor buu nafta ii keenay, waa iga hari waayay, anna i dhaaf waan kala daalay ma aqaan wuxuu igu jecelyahay”. Yuusuf oo la yaaban hadalkeeda baa yiri “wuxuu igu jecelyahay am aqaan aa? waad kaftamaysaa, waxaan aaminsanahay in cidkasta ee fursad kugu hesho aysan ku deyneyn madaxweyne ku sheegaba Allaha ka dhigee”. iyadoo aad moodo amaantaas in ay ka heshay, ase iska dhigaysa qof aanan aaminsanayn ku jawaabtay “walaashaa waad iska faaninaysaa”.

Beegarkii bey soo iibsheen, tukaankii bay kusoo laabteen. Muno intaysan fariisan bay inta cabitaan furtay, oo galaas ku shubtay soo fariisatay, beegarkiina cad Yuusuf u jartay.

Yuusuf oo fahmi weysan waxay samaynayso baa ku yiri “war maxaa ku daaray? Maxaad hooyo uga halaysay cashadeedii?”

“Waan kula cayaarayay, hooyo waa casheeysay, labadeenna baan noo soo iibshay, ee hoo cadkaaga intuusan Barre kaa dafin”

Sariir jiimbaar ah oo tukaanka albaabkiisa iyo darbiga meel u dhaxaysa taala inta ku fariisteen beegarkii cunid ku bilaabeen. Yusuuf, dareenka gabadhaan uu u hayo dartiis wajigeeda toos uma eegi karo. Hoos ayuu wuxuu iska leeyahay “illaahay maku tusi karaa adoo Muno qaba, oo labadiinoo kaliya qol wada hurda!” Intuu isla hadlayay bay inta cabitaankii afka u saartay, waxay tiri “kabbo”, hal cantuugo markuu ku dhuftay, ayeey inta soo qaaday galaas kii waxay tiri “aaway meeshaad ka kabatay

aan anna ka cabbee”? oo inta galaaskii warwareejisay tiri “meeshaan baa u eg meeshii aad ka kabatay” oo iyana isla bartii ka cantuugtay. inta labada faruuryood isla dhacday bay tiri “Yuusufoow afkaagu macaanaa?”.

Yuusuf, markuu intaas eegayay siday wax leedahay, baa hadalba kasoo bixi waayay, wuxuu ku jawaabo wuu garan waayay, wax uu xishood, ama dareen jacayl oo adag, ama doqonimo, ama intaas oo dhan oo la isku daray uu u maleeyay baa hareeyay. Muno, oo ka walwalsan Yuusuf baa tiri, “maxaa ku daaray aboowe? Xusuus aad gashaye,” oo iyadoo xifaalaynaysa tiri “ma gabar aad jeceshahaa soo xasuusatay?”

Sida ay wax u dhacayaan aad buu uula dhacsanyahay. Markaan wuxuu aaminsanyahay in uu isagu ku leeyahay qoftaan, oo qof isaga ay dhaafsanayso aysan jirin. Wuu rabi lahaa in uu Muno guursado. Laakiin Yuusuf waa nin aad u dagan, oo waxbarashada aaminsan. Wuxuu qabaa, asxaabta intooda badanna kula doodaa in ay muhiimtahay in inta la dhalinyaryahay wax la barto. Hadhowna guur iyo wixii la doono lagu mashquulo. Sidaas darteed Yuusuf wuxuu ku hanweynyahay in uu Muno balan la galo, labadoodu isi sugtaan, markii ay jaamacad ka baxaanna is guursadaan.

Laakiin ma iyadaaba u sugtay? Markii bay hal saalto oo weyn oo Yuusuf madaxiisii 18 jirka ahaa kala qarxin tagay kusii deysay. “Yuusufow ma ogtahay in aan wiil axdi wada dhigannay?” bay Yuusuf oonan filanayn, kaftanna u haysta, wax uu isagu markaas hadaaq u arkay weydiisay. “Wuxuu jiraa Dubai,” bey sii raacisay. “Meel hadeer fog oo qatara maaha” bey ku dartay iyadoo Muno sideedaba caan ku ah dibad jeclida, “laakiin heshiis baa inaga dhexeeya”. Yuusuf oo sidii dawaco shanqar maqashay dhagaha taagmeen baa yiri “oo maxaad ku heshiiseen?” “GUUR baan ku heshiinay” bay ku jawaabtay iyadoo afka la kuusaysa ereyga ‘guur’. Yuusuf dhulkii baa la wareegay.

Afkeeda kalmadda ‘guur’ markuu kasii dhacayay wixii ka danbeeyay wax miir ah muusan hayn. Dhugtii baa ka tagtay. Wixii hadal ay daldalaysay oo dhanna wa agmareen. Wuxuu is weydiinayaa, sidee waxaan ku dhaceen? Wuxuu la yaabanyahay, sababta gabadhaan, ay har iyo habeen taleefanka kula hadasho, oo markasta noo imow ay u tiraahdo, oo caawa ay u celisay, oo beegarka ula kala jaratay, oo galaaska ay uga cabtay meeshii uu isagu ka cabay. Wuxuu is weydiiyay, Muno miyeeysan fahmi karin in tilaabooyinkaas oo dhan ay dareen abuuri karaan? Wuuse hubaa in ay ogtahay, waayo marar badan buu  dhowr jeer u sheegay in uu aad uuga helay, oo quruxdeeda, dabeecadeeda iyo dhaqankeedaba aad uula dhacsanyahay. Muno markay aragtay Yuusuf oo hoos fiirinaya bay weydiisay “aboowe ma xanuunsantahay?” Isaguna isagoo hoos ka leh Allow aadan dharbaaxin buu ku jawaabay “madaxaa wax yar i xanuunaya”.

Waxay ahayd dhowr bilood ka hor. Yuusuf waxay daganyihiin guri fillo ah, oo deyd weyn leh. Guriga waxaa ku dhex yaal geed weyn oo hoostiisa jardiimooyin lagu dhisay. Dad dhowr qof ah ayaa jardiimada oo habeenkii mugdi ah fadhiya. Dhowr qofood oo kale waxay ku sheekeysanayaan, oo hadba qosol oodda jabsanayaan mowlaca guriga, oo ah meel barandada guriga dhinaceeda bidix iyo darbiga guriga ku wareegsan u dhaxeysa, oo 3 mitir oo isku wareeg ah. Mowlaca laftiisa waa mugdi, laakiin mutuleelka cad ee dhulkiisa iyo darbigiisaba ku dhisan baa iftiin yar u yeelaya. barandada marka laga soo baxo dhinaceeda midig, nal darbigeeda ku dhagan hoostiisa buu Yuusuf fadhiyaa. Wuxuu aqrisanayaa iskoolka cashiradiisa. Iskuulku waa billoow, wuxuu is leeyahay inteysan kugu badan oo cashiradu isku kaa gaarin iska baro hadeer. Waa bishii uugu horeysay iskoolka wuxuu kasoo laabtay fasax uu gobolada ku aaday. Taleefankii leenleenka oo agtiisa yaallay baa soo dhacay.

Yuusuf: “Hello, yaa waaye?”

Gabar: “Haa waa aniga adiga yaa waaye?”

inta waxyar qoslay buu yiri, “inta albaab islaameed garaacdid markii lagu yiraahdo yaa waaye? Adigu yaa waaye haku jawaabine is sheeg?”

Gabadhii inta qososhay bay tiri “shactiroolaa tahay wallaahi. Fiiiri Yuusuf soo maahan?…….

La soco khamiista dambe Qeybta 2-aad ee Sheekadan.

Wixii talo iyo Tusaale ah ugu hagaaji Qoraaga

E-Mail: [email protected]

Ama Ceelhuur.com Emailka [email protected]