var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Qormada Waxbarashada Somaliyed Qeybta 1aad

adeegyada waxbarashao waxaa ay burbureeyn sanadka 1991 coladahii sokeey dalka ka qarxay, kagadaal markii ay dhacaday xukamdii militeriga dalka xooga uga ariminjirtay mudo 21 sano ka badan. taa oo  lagu amanikaray  yagleelida adeegyada dadweeyne balse ku guul dareysantay hanashada shacbiga  iyo maamul wanaaga

dalka waxaa ka dhacay kacdoon hubeeysan kaa ay wadeeyn beelo kaladuwan oo somali ah kuwaa oo aan la dhihikarin waa lagu kalaharay ama looma dhameeyn. inta badan beelaha somaliyed weeyka qeey qaateeyn colaada iyo dagaalda sokeey dalka burburiya. waxaa ay aheed oo qura nasiib daro dadka ay iyaka gacmahoda ku raadiyen inkastoo loo nisbeeyo kooxo yar oo xukunka dooneey ineey heeystan iyo kuwo doneeye ineey ka fara marooqsadaan

dalka somaliya oo ah goob ay hareeysay tobaneeyo sanadood oo colaado ah iyo nidaam la’aan taa oo dhaxalsiisey burburka adeegyada dadweyne guud ahaan.  dadka shacabiga iyo ganacsato is xilqaamay yaa waxaa ay ku guuleeysteen dib u hoowlgalinta adeegyada waxbarasho xiliyo adaga dalka ay ka holcayeen colaado kaladuwn oo sameeyn xoogan ku lahaa dadaalada lagu dooneeye in waxbarashada dib loogu sooceliyo

waxaa is abaabulay shaqsiyaad isugu jira ganacsato, aqoonyahano iyo waxgarad oo ka dhiidhiiye ddhibka iyo baahida dadka u qaban adeegyo dadweeyn. inkastoo ay noqdeeyn kuwii la abuuray kuwa ka duwan kuwii lawada lahaa oo ahaa adeego lacag la’aan ah caruurta ay  heysatay waxbarasho bilaash ah heerarka kaladuwan dugisyada hoose, dhexe, sare iyo heer jaamacadeed

hal abuurka iyo fikirada cusub waxaa ay soo bilaawdeeyn 1994 xilagaa oo dalka laga hirgalshay sikuladkii ugu horeeye oo si qaas ah loo leyhay ardyana ay lacag waxku bartaan. waxabarashada xilgaa jirtay waxaa ay u badneey waxbarashada aan tooska aheeynluqadaha, xisaabadka, computerka. waxaa iyana xilgaa si xoowli hoose ku bilaawaday waxbarashada tooska ay dugisyada hoose, dhexe iyo sare

waxbarashada heerka jaamacdeed waxaa dib loo abuuray sandaha 1998 oo dib loo hirgaliyey machadyo yaryar oo sida jaamcada ah u shaqeeye lakiin ka awooyar heer jaamacaded. sanadka 2000 waxaa si rasmi ah u biloowday waxbarasho heer jaamacadeed  kuwaa laga howlgaliye goobo kaladuwan dalka gudsahiisa haba ugu badnadaan Magaalada Muqdishu caasimada dalka somalia oo magaalo dad badan ay ku noolyahiin ganacsiyo xoogan ka jiray

sanadka 2010 waxaa dalka ka hiragalya jaamcadahii ugu badnaay bed dalka yeesha waxaana ay noqdeeyn ku si sahalan loo furnakor oo meelkasto laga furankaro iydoo aysan jirin wax nidaam ama siyasad waxbarashao dalka ka jirtay oo xadidikartey baxada, qiimaha, tayada iyo nooca waxbarasha jacadeed nonkarta ama manaahijta la isticmaali karay

waxbarashada  hoose, dhexe  iyo sare ayaa noqotay mid si weeyn ugu baahday dalka oo dhan ilaa heer tuulo waxana la isticmalye xilyadaa manaahij laga kenay dalal ajnabi ah carabta, iyo afrika oo ku baxaye luqadaha Carbiga iyo Ingiriiska.  waxyar kadib waxaa dhacay qas iyo jahawareer dhanka aryada iyo macalimiinta oo kala duwnada. waxaana la garwaaqsaday in la abuuro dalada waxbarasho mideeya tacliinta hoosem dhexe iyo sare waxana hada dalka ka shaqeeye toboneey daladood waxbarashada madaniga ah

 

waxbarashada heerka jaamcadeed waxaay anoqotay mid aan qiimo badan ku fadhin kadib markii ay bateeyn jaamacadaha dalka ka jira. waxana dhacaday in aryada ay iska buuxiyeen jaamacado aysan jirin cid koontoorasha oo la xisaabtameysa sida ay waxabarashada u socoto. waalidiinta ardyada  iyo dadka masuulka waxaa ku adkeyd ineey waqti u helaan in ay la xisaabtamaan jaamcadaha caruurtoda ay u kalahan lacagaha faraha badan ay ku bixiyaan

dalka somaliyed waxaa la sheegaa ineey ka jiraan in ka badan 100 jaamcadood kuwaa oo soo saara sanadkasta kumaankun arday gibolo kaladuwan. wasiirkii hore qorsheynta qaranka saxfada la hadalaye ayaa sheegay in waxbarashada dalka kajirt ay liidato. ardayda kasoo baxda intooda badan aysan nasiib u yeelan ineeyn hantaan cilmi marka la gareebo tiro yar oo sifiican wax usoo baratay taa oo aheed fariin xiligii ku haboonaay timid waalidiin badna ay ku baraarugeeyn qaladka jira.

magaalada Muqdishu qiimeeyn la sameeye  waxaa ka soo baxaday in sanadkasta ay soo qalanjabisaa kumaankun arday. hadana ay san helin fursado shaqo.  waxaa hadeer xaadir ku ah toboneeyo kun oo heeystaan shahaada heerka kowaad iyo kumaankun oo heeysta heerka labada jaamcada shahadeeda. iyo boqolaal PhD ah.  rdaydan 99% dalka gudahiisa ayay kasoo qalanjabiyaan inta kale 1% waxaa  ay kasoo qalanjabiyaan dalal dibada ah

dad badan waxaa ay isweeydiinaayn hadii tiro aad u badan oo arday kasoo qalanjabiyaan jaamcadaha dalka iyo dibada. maxaa loo weeysanyhy in aqoontaas iyo cilmigaa xoogan uu bulshada dhexdeeda ka muuqdo.  sida rajadu aheeyd in marka ay bataan aqoonyahnada bulshada ay sameeyso isbedel dhinacyo kaladuwan taabanaya.

 

lasoco qeeybaha dambe

AKHRISO  Qiso jaceyl oo tahriib ku dhisantay oo qaxootiga Somalida Germany heysata.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: