var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Qalbi dhagax: Arday qormo qiimo badan ka qoray dabintii loo dhigay R.W Kheyre

Hadii qof ama group gaara kuu soo bandhigaan laba arimood oo kala daran waxaad xasuusnaata cidda labadaas arin kuu soo bandhigtay goolkeeda yahay arin kale oo weyn ee meesha ka maqan. Waxaad xasuusnaata labada arimoodba in ay Wanaagsaneyn, midna midka kale kama wanaagsano ee waa ka xunyahay balse adiga ayeey kuugu muuqataa kuwo kala roon.
Carab, Israa’iil, iyo dagaalki 6 maalin
Dowlladda Israa’iil ayaa dalalka Carabta ku qasabtay dagaalkii 6 maalmaha ahaa inay kala doorataan Israa’iil oo ay ictiraafaan ama dhulalka carabta laga qabsaday aysan heli doonin. Taas waxay dhalisay dowladaha Carbeed qaarkood ay doortaan inay Israa’iil ictiraafaan sida Jordan. Hadda ufiirso Israa’iil hadafkeeda ugu weyn waxa weeyaan inay Carab kala jabiso aysan ka’aheyn inay carab ka hesho ictiraaf.
Israa’iil waxay ogeyd carab inaysan marnaba Yuhuud u aqoonsaneyn dowladd madax banaan. Balse mawqifka Carbeed ee mideeysnaa ayaa halkaa ku dhamaaday. Dagaalkaas 6 maalmoodka waa kii ugu danbeeyay ay Carab si wada jir ah qadiyadda Falastiin ugu dirireen. Israa’iilna ay ka gaartay dagaalkaas guulo meelo badan taabanaya sida mooraal ahaan, dhul ahaan. Waxaad arkeysa labo-daran mid dooro waa mas’alad loogu talagay cidda soo jeedashay inay gaarto guul had iyo jeer, labada arin ee lasoo jeediyayna yihiin in uun laguugu majo xaabiyo midkood.
Example Kale iyo falsafadda Utilitarianka
Kasoo qaad waxaa lagu dhahay 100 ruux ayaa la dilayaa laba goorba. Adiga ayaa lagu dhahay hadaad 1 ruux kamida disho 99ka kale way badbaadayaan. Ufiirso waxa laguu soo bandhigay waa labo daran mid-dooro. Hadde ufiirso, adiga oonan waligaa qof dilin ayaad danbiile noqon rabtaa. Hadafkaaga had iyo jeer yuusan noqonin inaad labo daran kala doorato. Hadafkaaga had iyo jeer hanoqdo sidee guul ugaartaa adiga oo aanan dhibaato cidna ugeeysanin. Example’ka aan soo qaadanay waxaan ku fakiri karnay sideen u badbaadina 100ka qofood ee dhibanayaasha ah? Waxaa inoo soo bixi laheyd siyaabo kale duwaan dadkaas ku badbaadin karnay annaga oonan qofna dhibaato ugeeysanin. Dabintaas waxa ay ku jirtaa cilmiga falsafada waxaana loo yaqaan “ Utiliterian”.
Utilitarianism waa falsafad ku qotonta go’aanka saxda ah waa kan natiijadiisa ugu danbeeyso ay ka weyntahay khasaaraha yar. Example, keeba kula haboon inaad khasaarto $50 ama $100?. Si hadaad ufiirso waa macquul balse arrinku sidaas mahan. Falsafadatani mararka qaar way saxantahay mararka qaarna way qaldantahay waxayna ku xirantahay xaallada lagu jiro. Sidaas daraadeed Xukuummada Kheyre waxay ugu muuqatay guulweyn(soo deeynta 120ka maxaabiis),khasaaro yar( dhiibidda 1 hal oo ah Qalbi-Dhagax). Mantiq ahaan tiro badan oo dad ah waad badbaadin laheyd hal qofna waad ka tagi laheyd ama dhiibi laheyd. Hadafkeyga mahan inaan qiil uyeelo qaladka ay Xukuumaddani gashay, balse waa bidhaaminta qaladaadkan oo kale sidee looga feejignaadaa.
Dabinta loo dagay Xukuumadda Kheyre
Haddaba waxaad arkeysaa Dowladda Soomaaliya dabinta lala rabay ayna ku dhacday lagana gaaray guul dhan walba. Kow, Dowladda Soomaliya waxay ku qasbanaatay urur gobonnimo doon inay u aqoonsato argagixso dowladduna kuma aysan qasbaneyn arinkaas, Etoobiyana way lasocotaa dowladda Soomaliya marnaba inay ka tanaasuleyn mowqifkeeda ku aadan Soomali Galbeed. Labo, Qalbi-dhagax oo anan qof Soomali ah waxba ka galabsan loo dhiibo Etoobiya oo runti ah wax qalad ah Dowladda Soomaliyana kumeey qasbaneyn arinkaas.
Tan sadaxaad, dhalinyaradii xabsiga Etoobiya laga soo daayay(Xukuumadda Kheeyrana u araktay wanaag) Etoobiya khasaaro ayeey ku qabtay inay kusii heeyso xabsiyada:1- hadii ay dilaan waxaa sii badanaya inay soomalida ku kacaan dowlladda Etoobiya, taasoo xoojineyso awoodda dowladda Farmaajo. 2- dhaqaalo ahaan Etoobiya uma hayso ay ku sii caawiso maxaabiistaas. 3- Rag-kale oo lala rabo in xabsigaas lagu soo xiro maadaama Soomaalida laga rabo in la iska sii jeediyo si dowladda Etoobiya ay Oromada iyo Amhaarada kacdoonka wadaan ay waqti u galiso. 4- Dowladda Etoobiya oo dooneysa inay kalsoonida dowladda Farmaajo hoos uriddo, shacabka iyo dowladdana isku dirto.
Suaalo isweydiin mudan
Maxay dowladda Etoobiya Qalbi-dhagax Gaalkacyo uga qabanwayday?. Waxaan lasoconna nidaamka Tigreega ay basaasiin meelwalba ujoogaan. Mawaxaa ku adkaatay inay Qalbi-Dhagax ay gaalkacyo ka qabtaan?. Maxaa kusoo beegay xilligaan in Qalbi-Dhagax loo gacan galiyo Etoobiya? Haddi Dowladda Farmaajo Khiyaano qaran galayaan maxay $80million kaga diideen Xulafada Sucuudiga? $80 milion iyo xulafada sucuudiga oo ra’yigooda ladiido iyo Qalbi-Dhagax oo ladhiibo keebaa fudud? Ma mushaarka Ciidanka Xoogga dalka ayeey joogteyn lahaayeen? Mawaxaa yaraan lahaa qaraxyadii Muqdisho jooktada ka ahaa ? Kaaga sii darane, Wasiirka arimaha dibadda Etoobiya ayaa caalamka ku yiri Soomaliya ayaa noo fududeeysay arrinkaan!!!. Goormee Soomaliya uga mahadcelisay arin ay kuu qabatay waligaaba Soomali maadan u ogoleyn inay guul gaarto?! Kabasii darane oo wargeyska caanka ah ee Washingtonpost ayaaba Boggiisa hore kusoo qortay inay Soomaliya gacan ka geeysatay qabashada Qalbi-Dhagax yaab anaga aragnay !!!. ma Qalbi-Dhagax ayaa sidaa uweeyn misa arinkale ayaa lagala jeedaa?
Gunaanadka
Warkiyoo kooban, ra’yi ahaan xukuumaddan jirto kuma waafaqsani qaabka ay wax uwaddo, lkn gaalka dil gartiisa sii, laysma indho-tiri karo. Dalkeena iyo dadkeena, dowladdeena yaanan burburinin. Xagee aadeynaa hadaan sidaas yeelno? Dowladaan arimo wanaagsan oo iska waadix ah ayeey qabatay sida ammaanka magaalada Muqdisho oo soo hagaagay, Mushaarka CXD …(masii wadaa, warmaa ganleey noqonaayo)… IWM, qaladaadna way gashay. Cadawgaaga iyo walaalka kala saar. Mucaaradnimo wax xun mahan marwalba, sida muxaafadnimada aysan u aheyn wax wanaagsan marwalba. Muxaafadka iyo mucaaradka ha isla fahmaan ciyaarta meeshaan kasocoto inay khasaaro ugu jirto tiimkeena ee aan taageerno dhamaanteen, waa Soomaaliya oo guul gaarto. Casharkaan waa muhiim in aan baranno si mardanbe uusan udhicin. Waan kusoo celinayaa, Haddii labo arin kala daran laguu soo bandhigo labadoodaba iska diid waayo labada arinba makala wanaagsano oo way kala xunyihiin waloowba ay kuugu muuqdaan inay kala wanaagsanyihiin. Ugu danbeyn, raadi had iyo jeer sidee guul ugaartaa adiga oonan cidkale dhibaato ugeeysanin.
Mahadsanidiin
WQ: Mohamed Aynte
AKHRISO  Haaneedka Murtida : Kaduudiye kadeed mariyay 11 oday oo aroos ah !

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: