var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Nin Curyaan ah oo lacagtuu isku dawayn lahaa ugu deeqay Canug yaroo ku dhashay Cuuryaanimo,

Fb Img 1504096695843
Fb Img 1504096695843
Daniel black waa nin cuuryaan ah, sanadii 2009 ayuu la kulmay shil mooto taas oo ka dhigtay cuuryaan aan kici Karin, si uu markale cagahiisa ugu istaago waxuu ku Qasbanaa Daniel in uu bixyo lacag aad u fara badan si loogu sameeyo qalin xaga unugyada dareenwadyaasha, balse Daniel oo aha qof aan dhaqaalo badan laheyn wuu awoodi kari waayay bixinta lacagtaas….

Waxuu go’aansady in uu ururiyo lacago tabarucaad ah isagoo rajo ka qaba in uu markale caafimaadkiisa dib u helo waxaana u suura gashay muddo 4 sano gudohood ah in uu ku ururiyo lacag cadadeedu gaareyso 20 kun oo Euro.

Maalin maalmaha kamid Daniel isago ku fadhiyo kursiga cuuryaanda isla markaana aqrinaya wargeys ayuu mid kamid ah boggaga wargeyska ku arkay sheekada wiil yar oo ku dhashay xanuun kaas oo aan awoodin in uu istaago una baahan lacag fara badan si loogu sameeyo qaliin u suura galiya in uu cagahiisa ku isataago.

Feker yar kadib Daniel aya la xiriiray qoyska cunuga yar waxuuna ku wargeliyay in u haayo qeyb badan oo kamid ah lacagta ey baadi-goobayaan.. durbadiiba isaga oo an laba labeyn ayuu aaday guriga qoyska, wuxuuna ku tabarucay dhamaan lacagtii uu ururiyay si uu xaqiijiyo riyada wiilka yar ee ah in uu cagahiisa dib ugu socdo markii ugu horeysay, halka Daniel uu isaga sii fadhiyay kursigiisa.

Sida Sawirka idinkaga Muuqata Waa Daniel oo gaarigiisii Curyaanimada ku fadhiya iyo Wiilkii yaraa oo uu lacagta siiyay oo isagana kusocda Biraha Caawinaya qofka dhaawaca kasoo bogsanaya, maadamaa uu kanyari kasoobaxay Isbitaalkii lagu qalay , waana sawirkii ugu horeeyay ay wadagaleen labadooda ,

Caawinaadu waa shayqaaliya Daniel wuxuu sameeyay taariikh lama ilaabaan ah , wuxuuna hal hayskiisa kadhigtay (I AM A HUMAN)waxaan ahay bani,aadam

Ceeblaawe Cali

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: