Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Makhaal Waxbrashada Somalia Qeytii Labaad

 

Marka laga hadlayo waxabrashada hoose waxaa soo hoos galo noocyo badan sida dugsiga hoose, dhexe iyo sare oo ah 12 sandood sida inabadan aduunka  laga qaato iskuulaada ka dhisan dalal badan. Inkastoo manaahijta la isticmaalo kala duwnaankaraan  hadan waxaa muhiim in dadku ay wax ku bartaan.  Taa oo Wadankastana  uu ku dabaqo  diinta, dhaqanka iyo dhaqalaha wadanka waxa aas aas u ah.

Inkastoo aanan heynin liiska dhabta iskulladka dowlada ay leedahay oo ka dhisan Degmoyinka  dalka guud ahaan  iyo Magaalada Muqdishu  balse qiysata aan  isleeyahay waa ilaa 70 iskuul, kuwaa oo intooda badan hadeer shaqeeya gacantana ay ku hayaan dad ganacsato maalgashi ku sameeye iskulaadka iyo kuwo ay haydaha gargaarka maalgalinyeen. Hadan intooda badan waxaa ay u shaqeeyaan nidaam iskoolaad gaar loo leeyahay oo lacag wax looga barto. Marka laga rabee 4 iskool oo ka mid oo ay gacanta ku yaso dowlada ama hayado iskashanayo kuna yaalo gobolka Banadir

Dadka kunool 17 degmo goobolka banaadir oo lagu qiyaaso in ka badan  labo  milyan oo qofood. Kuwaa oo hadan 70% ay yahiin dhalinyaro iyo caruur u baahan waxbarasho. Waxaa halkaa ak muqaneeyso baahida jirto in ay ka badantahay hoowsha waxbrasho hada ka socoto Muqdishu. Iskuulada ku yaalo waxaa la oran karaa waa mid xaaware ku socoto marka  loo eego sando ka hor sidii ay aheed xiliga dagaalda ka socdeeyn caasimada.  Hadana waxaa la orankaraa xawaare gaaban marka loo eeg heerka saxada ah oo laga rabay in ay gaart ama ku socoto.

 

Dadka maagalada muqdishu kunool intooda badan waa shaqo la’aan  waxana ay kunoolayhiin heer ay noloasha ku mashqulan. Mana awoodan ineey bixiyaan lacaga qaliga ku baxo waxbarashada. In yar oo ka mid ah ayaa awoodi neey bixiyan qarashaka iskoladka gaarka loo leeyahay kuwaa iyana karo ineey u diraan iskuulaad qeeyb ka mid caruurtooda. Sababato qoyska mawda bixinkaro lacgata ku baxeeyso caruurta oo dhan.

Waxaa jiro dad badan oo kunool daafaha iyo gudaha maagalad muqdishu kuwaa ah dad barakacayaal ku nool xeryo ama kaamam ay ka dhisteeyn guryo jiingado ama bushaad ka sameysan bac iyo qoryo. Dadkaan ma awoodan in ay caruurtooda u diraan iskuladka waxbrashada  gaarka loo leeyahay xitaa hal mid caruurta uma dirikaraan sababo dhaqaalo xumo awgood. Dadkaan ayaa ah dad  kazoo barakacaya gobolada kaladuwan dalka xilyadii ahabaraha iyo masii booyinka dalka ay ka dhaceeyn. Intooda badan uma saamixin daruufta iney ku dhiiradaan idb u noqosho xaladaha melaha ay ka yimdeeyn oo adaga awgeed.

Waxbarashada deg deg ah dadka barkacayasha loogu talagaly oo maal geliyaan hayado kaladuwn oo ka sahqeye arimaha banii’aadaminmo.  Dadka barakaca intooda badan waxaa ay ku xiran ayahiin waxabrashada emergency  education ka ah too ah iskoolaad ka  dhisan kaamamka dhexdooda iyo iskulad kale oo u dhow oo ardyada lacagta laga bixyo ay aadan. Qaabkaan  dhib badan ayay ku qabaand dadka ku nool kaamka. Hadana waa fursada kaliya oo ufuran.  Caqbadaha jira waxaa ka mid caruurta goobaha ay waxkubartaan oo kuleel iyo nadaafoda ay fiicaneeyn qaar kamid ah.

Caruurta dhigato iskuulaadan ma heestaan adeeg dhameestiran  oo u saamaxi karo ineey si lamid ardyadkale waxa u bartaan sababo badan awgeed oo ay u horeeyso. Caruurta oo an heysn cunto, hooy iyo nadaafada ku haboon waxbarasho. Walidiinta oo aan awoodin ineey ku dabagalan caruurta waxabrashada sababtoo ah waxaa ay ku mashqulsanyhiin nolol maal meedka qooska. Inkasto ay jiran goobo iyo xaalmod mucayin oo ah caruuurta ku helaan nolol  fiican oo u samaxdo waxbrasho hadan kuwaa  waa tiro yar marka loo eego tirade guud.

Marar badan xukmada isku dayday in dib u hanato maamulka iskoolada dantaguud loo abuuray, waa ay suurtagali weeyday sababo badan awgeed haba ugu horeeyse wasrada waxbrashada oo aan keenin qorshe mideeys ay ku wada shaqeeyaan maamulka gobolka Banaadir oo ka arimiya 17 degmood dowlada hoose oo ay tahay in loo maro si loola macamilo dadka iyo iskuuladka.

Tankale aya  ah in hayada cadaalada iyo amniga aysan awood badan u laheeyn in ay waxka qabtaan arinkaan mudada dheer soo jiitamaye oo ah maamulka iskooladka danta guud loo abuura sida dib loogu soo celin lahaa gacanta dowlada si  ay u noqdaan kuwa bixiyo adeegyadii bulshada ay u hayeen oo ah waxbarsho dadka oo dhan ay wada helikaraan oo lacag la’aan ah.

Nidaamka  waxbarasho hada dalka ka jira ayaa ah  mid dadka awooda dhaqalaha xogan waxbarashada ku baxayso caruurtooda oo kaliya ay helaan fursado waxbarasho heerka hoose iyo kan sare. Halkak uwo farabadan oo aanan helin fursadahan ay ku dambeeyn doonaan waxbarasho la’aan.  Marka la qiimeyo xadiga caruurta iskuuladka aad iyo kuwa aan aadin waxaa 4 jeer badan ku aan aadin. Caruurta iskuladka tagta waxaa lagu  qiyaasaa 25 ilaa 30 boqolkiiba.

Labaatanka sano lasoo dhaafay Majirin  siyaasad iyo qorshe mideeysan  waxbarshada  kaa  horseedikaro in waxbarashada hoose ee dalka ay noqoto mid lacag la’aan ay ku helikaran caruurta ilaa faslka 4 raad. Tani waxaa ay caawin laheed walidiin badan in ay ku dhiiradan sidii ay iskuul ugu diri lahayeen caruurta oo dhan ama inta gaart xilga waxbarashada.  Waxaa kale ay aheen leeyd mid waalidka ku dhiirgelisa marlabaad in caruurta shalay lacag la’aanta wax ku baratay soona gaartay heer fiican  oo ay u gudbayaan dugsiga dhexe in ay hanada ugu yaraan qaar kamid u sii wadaan waxbrashada oo ay dhiibaan qidmada yar ee laga qaado.

Xukumada Hada Dalka xakunta Nabad iyo Nolol Reysula Wasre ka ayaha Xasan Cali Kheyre uuna Madax weyne ka yahay Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa ku guuleeyste hirgelinta sharci iyo siysada waxbarashada somaliyeed kaa oo golaha wasiirada ay ansaxiyeen iyo Barlamakaan dalka hayda  sharci sameynta dalka. Sharcigan waxaa tabagelinayaa in dalka laga hirgeliyo waxbrasho tayo fiicanleh oo daka iyo d adka horseedi karto horumar iyo cilmi.

Siysadan waxaa kale oo ay kordhisay miisaniyada waxbrashada dalka.  Sida miisanyiada wasrada waxbrashada, Jaamcada umada somaliyeed iyo acdemiyada  qaranka somaliyed horumarinta Afka Somaliga iyo Hidaha iyo dhaqanka. Miisaniyadahaan  ayaa natiijo abuurikara hadii loo isticmalo qorshe iyo nidaam hufan oo ku saleysan horumarinta waxbrashada hoose, dhexe, sare iyo afka somaliga oo la dhiirigeliyo.

 

Hirgelinta nidaam waxbarasho lacag la’aan waa mid u baahan juhdi xoogan oo ka yimaada meelo kala duwan shacbiga, xukuumada iyo hayadaha waxbarashada taageero.  Xiligii hore xukamada kacaanka iskuulaadka waxaa lagu dhisijiray si wadajir ah. Dowlada waxaa ay bixin jirtay dhulka iyo dhaaman dhaqalaha lagu dhiso iskuulka halka shacbiga ay bixin jireeyn xoogooda oo mutadawacnim ay ku shaqeeyn jireeyn iyo lacagta oo aheeyd canshuur ka soo xarootay shacbiga.

Iskuulaadka sidaas lagu dhisay hadeer uma shaqeeyaan sidii loo gu talagaly oo aheeyd in bulshada deegaanka ay ka helaan waxabrasho lacag la’aan  ah ama mid qiimo jaban. Waxaa inta badan gacanta ku haayo shaqsiyaad ama hayado maalgelin ku sameeye kuwaa oo garab ka heysta shaqsiyaad dowlada katirsan.. waa nidaam u abaabulan qaab  waxbrasho ganacsi qiimo xogan dadka intiisa badan aysan bixin karin.

Ahmiyada maqaalkan waxaa weeye in aan dadka la wadaagno dareenka iyo argtida waxbrashada dalka ka jirto. Iyo in ay bulshada inta ay uu suurtagasho ineey wax aqriyaan ay helaan xog iyo macllumad ku sabsan waxbrashada dalka. Inkastoo maclumadka aan helikara uu koobanyahay. Hadan waxaan aha xirfadle waxbrashda da’yar kaa waxbrashada heerka kowaad ku qaatay kuliyada waxbrashda Jamacada umada hada shaqeysa sanad dugsiyeedka   2015-2018

Mr. Feysal Nur Ali

Education  Professional

Major in Biology

Mogadishu Somalia

 

 

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...