Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Ma Xukun jecli, ee Guriyaa qabyo iga ah=Nasashada Jimcaha. Q- 84aad.=

Ilwareed Online –

1-Nin Taajir ah oo Caraba, ayaa yimid magaalada Bossaso, waxa uu ku arkay Gabar aad u qurux badan, wuxuuna u tagay Aabaheed , waxa uu ku yiri: Gabadhaada i sii, waxaan ku siinyaa miisaankeeda oo Dahab ah, odaygii ayaa aamusay ,kadibna ku yiri: Boowe, 3 billood i sug.

Ninkii turjubaanka u ahaa Carabka ayaa ku yiri: war maxaad isku daahinee ,waa fursad qaaliya miisaankeeda oo Dahab ah. Odaygii ayaa ku yiri: Boowe, fursadda ma dhuminayo ee waxaan rabaa 3daa bilood in aan gabadha sii cayiliyo .( fiiri sawirka 1aad).

( Nin ayaa lagu yiri: War xilkii waa lagaa qaaday ee maad iska wareejisid, xukun jeclidaa?.waxa uu yiri: Ma xukun jecli, ee Guriyaa qabyo iga ah).

2-NGO ayaa Hotel Xamar ku yaal ku qabtay Seminar looga hadlayo Musuqmaasuqa 14 cisho,waxana ka qayb galayaasha loo ballan qaaday in la siinayo min 100$ oo baabuur raac ah. Markii seminaarkii dhamaaday 14 ciso kadib waxaa la siiyay min 50$. Waxaana lagu yiri: Casharada aad halkan ku barateen gaarsiiya Guryahiina .Cabullahi oo xaaskiisa ka balan qaaday in uu siinayo 50$ Seminaarka kadib ayaa siiyay 25$. Cabdullahi, Casharkii ma gudbiyay?.

( Maddaxdaan aan Musuqmaasuqa ku eedeeyneeyno, ameey yihiin NGO noo soo gudbinaya Cashar loo soo dhiibay ?).

3-Raggu markuu aduunka imaanayay waxa uu soo maray, haween Labadeeda lugood dhaxdooda, inta uu noolyahayna waxa uu raadiyaa sidii uu dib ugu noqon lahaa haween Labadeeda luugood dhaxdooda. waddadii asal ahaan uu soo maray. ( why? Because there is no place like Home! )

(waana Sabab, qof walba oo Qurbaha aadaba uu u jecel yahay in uu dib ugu noqdo wadankii hooyo ee asalka ahaa ee uu ka yimid ).

4-Nin ayaa xamar yimid si uu ugu guursado, waxaa la yiri: Arooskii $15.000 ,ilalaada xafladuna waa $10.000. waxa uu yiri : Kharaj Badanaa !!!! Ma safarkii Madaxdaa ?.

( Horta, safarka madaxda Gudaha & Dibadda meeqaa ku baxda? Illeyn waa hanti naga wada dhexeeyso ,ku xisaabtan keedana xaq ayaan u leenahay).

5- Nin qaad deyn ah rabo ayaa u yimid Gabar qaadka iibiso,sidii u gadgadinayay qaadkii oo uu marba mid u lahaa kan iga beddel ayuu markii dambe ku yiri: kan ayaan qaadanayaa, ee igu qor. Waxa ay tiri: haddaan sida wax loo qoro aqaano Qaadba ma iibiyeen, ee ii dhig qaadka.( fiiri sawirka 2aad).

(Canshuur qaade ayaa islaan waayeel oo ganacsi yar heysata ku yiri: Eedo canshuurtii waa la kordhiyay. Waxa ay ku tiri: Maandhoow, kororka Canshuurta ma diidani ee ii sheeg waxa la iigu qabanayo,haddii wax barashada ilmaha oo kaliya la iga dhiibi lahaa halkaan ma fadhiyeen).

6- Wiil 25 sanno jir ah ayaa guursaday haweney Hanti badan leh oo 80 sanno jir ah. qoyskiisii oo rabo in ay Xaaska ka furaan ayaa u yimid: kuna yiri: Duqdaan waxa kugu qasbayo ma naqaan ee iska fur.

Wiilkii ayaa waxa uu yiri: Diinta islaamka soo wax kama taqaaniin, soow ma aadan maqlina sifooyinka lagu sheegay Hawenka la yiraa “Xuurul ceeynta” ee Jannada joogo?. Waxaa lagu yiri: Haa ,waan maqalnay .

Waxa uu yiri: Hadaba, Xaaskeeygu 4 sifo ayey kala mid tahay “Xuurul ceynta Jannada”. waxaa la yiri: Bal inoo sheeg?.

Waxa uu yiri:

a) Xuurul ceyntu, Biil ( marsuuf guri) kaama rabto, islaantaanuna Biil igama rabto.

b) Xuurul ceyntu mar kasta waa bikro ayaa la yiri, Duqdaanuna waa qoyaan beeshay oo markasta waa bikro oo kale.

c ) Xuurul ceyntu wax ma dhasho, islaantaanuna wax dhali meyso.

d ) Diintu waxa ay noo sheegtay, Xuurul Ceynta Dhiig caado kuma dhaco, islaantaana Dhiig ku dhici maayo.

Mid ka mid ahaa odayaashii ayaa yiri: Qoyskaan yaan la duminin, yanan la isku dirin, wiilkana yaan la soo eryin, ee naga soo wada. ( fiiri sawirka 3aad).

( Berryahan waxaan arkay dad ku doodaaya, 3 Taliye ciidan, ayaa Dhalinyaradu xillal u magacaabeen. Nin odaya ayaa yiri: Haloo dhaafo wixii ay ku doorteen ayagaa yaqaane, Qarnkana yaan la duminin hadeyna iyagu iska dumin).

Qore: yahya Amir



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...