var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

HAMBALYO KU SOCOTA CULIMADA

Ilwareed Online –

Sidaan wada ognahay dhawaan waxaa dib looga furay magaalada hargeisa kaniisad wadanka ingiriisku ka furtay somaliland mudo laga joogo70 sano ka hor, waxaana dib u furitaanka kaniisada gacan ka gaysatay gabadh u dhalatay wadanka Talyaaniga, iyadoona si toos ah uga sheegtay war-baahinta,arintaas oo cadho wayn ku abuurtay shacabka.

MAWQIFKII HORE EE XUKUUMADA

maalmo ka dib furitaankii kaniisada ayuu ka hadlay wasiirka diinta iyo awqaaftu arinkan isagoo ku matalaya dawlada, wuxuuna sheegay inay jirto arinta kaniisadu diintuna aanay diidayn maadaama ay yihiin dad ehlu kitaab ah.

Sidaa daraadeed aan u ogolaanay inay ku cibaataystaan intay meelo kale ku dhuumaalaysan -lahaayeen.

MAXAY KA QABTAA DIINTU?

maadama uu wadanku yahay wadan 100% islaam ah lama ogola in laga furo wax kaniisad ah oo laga faafiyo diinta kiristanka, mid cusub iyo mid horay u jirtay.

MAXAY DIINTU KA QABTAA IN LA DUMIYO?

waxay diinteenu inoo sheegaysaa in aan la dumin karin hadii kaniisad horay u dhisnayd laguna daynayo sidaa ay tahay iyadoo la eegayo maslaxada umada islaamka ,balse aan la cusboonaysiin karin.

FADWADII CULUMADA

7dii bisha june ayay culimada ugu waa wayn magaalada hargeisa ay arintan ka soo saareen bayaan ama fadwo rasmi ah waxayna xaraan kaga dhigeen in laga furi karo wadan 100%muslim ah wax kaniisada, mid cusub ayo mid horay u jirtay, wuxuuna noqday bayaan ay aad ugu riyaaqeen dhammaan bulshadu waana wixii looga fadhiyay ka culimo ahaaan waanan ku hambalyaynaynaa mowqifkaa adag ee ay qaateen.

MAWQIFKII 2AAD EE XUKUUMADA

Kadib fadwadii ka soo baxday culimada ee ku aadanayd dib u firitaanka kaniisada ayaa ku khasabtay xukuumada inay badasho mawqifkeedii hore ee ahaa inay ogolaatay in kaniisadaa dib loo furi karo laguna cibaadaysan karo.

Waxayna 8dii bisha june ku dhawaaqday inay xidhay kaniisadii dibna aan loo furi doonin. War saxaafadeed ay soo saartay xukuumada somaaliland ayaa lagu sheegay amarkan waxaana saxaafada u akhriyay waziirka diinta iyo awqaafta oo ahaa isla wisiirkii warkii horana isagu sheegay.

GUNAANAD

Way ku mahadsayihiin culimadu inay difaacaan diinta. waxaa kale oo mahad le dadkii sida wayn uga hadlay ee ku faafiyay baraha bulshada ha ugu horayso saxaafaduye.

Xukuumadana waxaan ku hambalyaynaynaa inay adeecday taladii uga timi culinada iyo shacabka Somaliland.

W/Q AHMED ABDI YUSUF(freelance journalist)
EMAIL: axmed.4004@gmail.com
Tell: 00252-63-4475046



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: