Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay, waa lagaa Cilmi badan yahay Qur’aanka fiiri=Q-4aad=

Hordhac:

Nin Filasuuf oo la hadlayay Culumada ugu caansan dhinaca Seyniska reer Galbeedka ayaa yiri: Haddii ey Aqoontaadu yartahay, diin la’aan ayaad u dhawdahay, haddii aad Aqoon fiican leedahayna waxaad Aaminee Diin, waxaadna ku sii dhawaanee Xaqiiqda.

(Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay, waa lagaa Cilmi badan yahay Qur’aanka fiiri):

Raadka Faraha ( Finger Print).Q-4aad

Raadkiisa Farahu waa astaan u gaar ah Qof kasta, waxaa laga yaabaa xubin jirkaaga ka mid ah in aad Qof kale uga egtahay, laakin Raadka faruhu adiga ayuu kuu gaar yahay. Xattaa Mataanaha hal Ukun ka abuurmay ee aadka isugu eg, (identical twins ) waxa ey ku kala duwan yihiin Raadka faraha.

Waana tan Dambi baarayaasha caalamku ( CID) ey ku kala soocaan Dadka, iyo raadka meeshii ey taabteen. Gaalada ayaa ku doodi jirtay, side Jirka oo baabay loo soo celinayaa.waxaa loo sheegay Dadka Jirkiisa dhamaantii in la soo celinayo, xataa Raadka farahiisa, wax khaldamayna ma jiri doonaan. Cajiib Sidee Qof aan waxba qorin waxna Aqrin uu ku ogaaday in raadka farauhu uu yahay waxa ugaarka ah Qof kasta?.

Taa Dadku ma ogeyn 1400 Sanno ka hor [Quran 75.4] . Aayad Qur’aanka ah ayaa leh: Haa, waxaan awoodnaa in aan dib u soo celino Raadka farahiina.( Banaanahu) F.S 1aad ee Aayadda daliilka u ah.

Allaah iyo Rasuulka CSW ayaa nooga cilmi leh.

La soco Qaybta 5aad.

Qore: Yahya Amir





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline