Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay, waa lagaa Cilmi badan yahay Qur’aanka fiiri.=Q-8aad=

Hordhac:

Nin Filasuuf oo la hadlayay Culumada ugu caansan dhinaca Seyniska reer Galbeedka ayaa yiri: Haddii ey Aqoontaadu yartahay, diin la’aan ayaad u dhawdahay, haddii aad Aqoon fiican leedahayna waxaad Aaminee Diin, waxaadna ku sii dhawaanee Xaqiiqda.

(Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay, waa lagaa Cilmi badan yahay Qur’aanka fiiri):

Q-8aad.Tuuladii Pompeii ( Italy)

Mar dhaw ayaa culumo ah Archeologists, waxa ey ka heleen wadanka Talyaaniga Haraagii Tuulada Pompeii oo sannadkii (79 A.D) Muddo laga joogi 1100 sanno ey Dabooshay dambastii kululeyd iyo Dabkii Buurta holacdo ( Volcano) kuna habsatay, qof walibana uu yahay Xaaladii uu markaa ku sugnaa isaga oo aan hore iyo gadaal melena u nuuxsan.

Markii culumadii yiraahdeen waxaan ogaanay in Dambasta kulul ee dabka ahi ey qofka ku heeyn karto xaaladiisii isaga oon dhinacna u nuuxsan. Waxaa lagu yiri: wax cusub ma ahan taa Allah ayaa hore noogu sheegay.

Aayadda daliilka u ah Fiiri [Quran 36.67] oo leh: kuwa Gaalada ah waxaan ku qalajineeynaa Dab, dhaqdhaqaaq la,aan xaaladii ey ku sugnaayeen, hore iyo gadaalna uma dhaqaaqi karaan.

Sidee Rasuulkeena NNKH oo aan wax Qorin waxna Aqrin uu 1400 Sanno ka hor uu ku ogaaday in Dabka oo la ogaa in uu wax baabiyo, uu Jirka biniaadamka sidisii ku heyn karo.

Allaah iyo Rasuulka CSW ayaa nooga cilmi leh.

La soco Qeybta 9aad

Qore: Yahya Amir





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline