Cudurka ku dhacay Lacagtii & Passporkii.!!!

Ilwareed Online –

LACAGTII.  Markii aan Xoriyadda qaadanay kadib 1960-1971dii sarifku waxa uu ahaa $1=7.143 Sh. ismana badeli jirin inkastoo 1970 xoogaa uu dhaqdhaqaaqy oo 1$=6-7Sh. Dhaqdhaqaaii nagu bilaawday waxa uu gaaray 1987-1989kii $1= 105 Sh. waxaana jiray Suuq madoow oo ka sii qaalisan, Isbdelku waa jiray. waxaan xasuustaa nin saaxibkey ahaa oo Badmareen ahaa ayaa 1974tii waxauu Suuqa Madoow ee Xamar weyne ka sariftay $200 waxana la siiyay 1000Sh.( $1=5 sh).ogoow 1000ka shillin ee maanta aadan jidka ka qaadeeyn in ay aheed berrigaa $200.

Maanta $1=22.000 Sh.meeqa 5aad ayaa ku jirta. fiiri 22.000 Sh.ee adiga hal dollar lagaaga sariftay ,hadii Abkooyaashaa ey heeysan lahaayeen 22.000sh. waxaa laga siin lahaa $4.400 , laakin adigu $1 in lagaa siiyo ayaad ogolaatay.ummad sab dhaban.

waqtigii Adan Cade koobka shaaha ah waxa uu joogay 0.1sh, maanta isla koobkii waxaad ku cabee 2000 sh. Laakin waqtigii dowladihii xoriyadda ka dambeyay 2000 sh. waxaa lagu cabayay 20.000 koob oo shaah ah .waxa ay ku filneed dadka degan deegaanka oo dhan in ay ku cabaan.( 1koob shaah ah 1974=20.000 koob shaah 2018).

Maanta Hotelada Xamar koob shaah ah waxaa lagu cabaa $2 oo u dhiganta 44.000 sh. waxaa shaah ku cabi jirtay 1974 dad dhan 440.000 qof, waa gobal dhan dadkiisa oo kuwa casiryeynaya inta aad adigu maanta kaligaa ku casiryeysatid.

waxaa jiraa qaanuun dhaqaale oo leh: Horuumari dhaqaalahaaga si aad halkaagii u joogtid oo lagula dhaqmo wadamada qaar. Tusaale, ka soo qaad in 1962dii hal baabuur oo ah FIAT-124 oo Talyaaniga aan ka soo gadano uu noogu fadhiyay 10 Tan oo Moos ah ( FIAT-124=10 Tan). sannadkii 1980 Waxaan sameynay horuumarka tacabka Mooska, waxaana kordhinay wax soo saarkii Mooska si aan u soo gadano isla halkii Gaari ee FIAT-124,laakin markaan waxaa laguugu kordhiyay sicirkii Gaariga, Muuskiina ma kicin , si aad isla halkii baabuur ku hesho waa in aad soo saartaa 80 Tan oo moos ah, waxaad horuu marisay wax soo saarkaagii si aad halkaagii baabuur u soo gadatid. ( FIAT-124=80 Tan).

Waxaa loo baahanyahay in laga fekero qorshe waqtiga dheer sidii qiimaha lacagta loo soo celin lahaa,waxaa jira wadama badan oo yar yar oo lagactoodu ay ka qaalisan tahay Dollarka.

PASSPOR kii. Sannadkii 1961 waddama badan waxaa lagaa siinayay VISA ha Garoomada, haddiba aad wadato passport Somali ah. Maantana??? . masuuliyiinta dalka in kabadan 160 masuul ayaa heeysta passport Mareeykan ah oo weliba ku faanaya. Laakin 1961 dii ma jirin masuul heeystay, maanta gudaha wadanka waxaa laga isticmaalaa Dollar.( yaab Mareeykankii qaar ayaa leh waan nacnay Mareeykanka,waxaan aadayaa soomaaliya!! Maxey ula jeedaan???? Fiiri Sawirka 4aad ).

Yaanan idinku dheereeyn, waxaa laga yaabaa dad badani in ayna ila fahmin ee ma waxaa qiima dhacay, shillinkii, passporkii mise Dadkii????.

Wax ka dheh. Haddii madaxdaada & mushaarkaaguba yihiin Mareeykan.

FG: wixii iga qaldan ka sax, arragtidaada xor ayaad u tahay.

Qore: Yahya Amir



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline