var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Ma mooddaa in Dowladda Federaalku ay qaadatay go’aan wanaagsan oo ku aadan khilaafka u dhexeeya wadamada Khaliijka ?

0

Inta aanan ka hadlin go’aanka ay qaadatay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan khilaafka u dhaxeeya dowladaha Khaliijka in uu go’aankaasi yahay mid wanaagsan iyo in kale. Aan marka hore ka warammo labo qodob oo muhiim, Kuwaaasi oo kala ah: Waxa ay dowladi tahay iyo waxa saldhigga u ah khilaafka ka dhex jira Qadar iyo dowladaha cunaqabateynta saaray ee uu Sacuudigu ka mid yahay. Ka hadalka labadan qodob, Waxa ay noo iftiimin doonaan waxa uu noqon karo go’aanka ay qaadan karto Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.


Haddii aan ku hormaro qodobka koowaad ee oronayo waa maxay dowladi ? Dowladi waa adeeg bulsho oo loo qabanayo muwadiniin ku nool dal, Islamarkaana lagu shaqeynayo rabintaankooda iyo gaaridda waxa ay doonayaan. Dowladi waa magac jamciya hay’ado la dhisay, kuwaasi loogu talogalay qabashada howlo gaar ah, Iyadoo howlahaasi loo qabanayo sida ay u doonayaan muwaadiniinta dalkaasi.
Dhinaca kale, Dowladnimadu ma’ahan magac ay ku shaqeystaan koox yar oo bulshada ka tirsan sida ay dadka qaar u fahmeen. Tusaale ahaan, Waxaad arkeysaa shaqsiyaad xilal loo dhiibay oo hadana ku shaqeynayo rabitaankooda iyo rabitaanka dowlado shisheeye, Iyagoo taasi ku badalanayo waxooga dhaqaalo ah, halkii ay ahayd in ay ku shaqeeyaan rabitaanka muwaadiniintooda maadaama ay Iyagu yihiin kuwa bixinayo dhaqaalaha lagu shaqeynayo iyo goobtuba.
Walaalayaal, Khilaafka u dhexeeya Qadar iyo dowladaha ka soo horjeeda ee uu Imaaraadku ka mid yahay, Waxaa saldhig u ah khilaafkooda isbadalkii ka dhashay wixii la oran jiray gugii Carabta, Halkaasi oo uu soo saaray waxa loogu yeero Al-islaam As-siyaasi, Oo ah wadaaddo isu tagay oo ka qeybgalayo siyaasadda dalalka ay ka soo jeedaan. Waxaana wadaadadaasi hormuud u ahaa ururka weyne ee Ikhwaanul Muslimiin, Oo runtii ah urur si nabad u fuliya nashaadaadkiisa iyo ujeedooyinka uu doonayo in uu gaaro.

Isbadalada ka dhashay Gugaasi, Ayaa waxa uu suurageliyey in xukunka laga tuuro hogaamiyaal badan oo Carab ah, Kuwaas oo muddo dheer hayey xukunka dalalka ay ka soo jeedaan. Waxaana hogaamiyaashaasi ka mid ah Zaynul Caaabidiin bin Cali, Xusni Mubaarak, Mucamar Al-qadaari, iyo waliba Cali Cabdalla Saalax. Arintan, Ayaa cabsi ku abuurtay qaar ka mid ah hogaamiyaasha dalalka Carabka sida Sacuudiga iyo Imaaraadka oo kale, Kuwaasi oo u baqay xukundooda maadaama aan la soo dooran.
Hadaba Iyagoo dalalkaasi ka duulayo cabsida kaga soo wajahan isabadalaasi ay sameynayaan dadyowga Carabta, Ayaa waxa ay Imaaraadka iyo xulufadiisu qaadeen talaaboooyin dhowr ah oo ay ku caburinayaan kacdoon-wadayaasha iyo dalalka taageeraba sida Qadar iyo Turkiga oo kale. Waxa ay sidoo kale qaadeen talaabooyin ay kula dagaalamayaan warbaahinta xorta ah sida TV-ga Al-jaseera oo kale, Kaasi oo laga mamnuucay dalal ay ka mid yihiin kuwa hadda Qadar ay ishayaan, Si loo sii haysto xukunkan sharcidarada ah.
Shaqo muddo dheer socotay ka dib, Ugu danbeyn waxa ay ku guuleysteen Imaaraadka iyo saaxiibadiisa in ay xukunka ka tuuraan Madaxweynihii Masar ee sida xorta ah loo doortay Maxamed Mursi. Waxa ay sidoo kale ku guuleysteen in Sanca laga soo eryo Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdirabbo Mansuur oo ay ku jireen wadaaddo badan oo ka tirsan ururka Ikhwaanu Muslimin. Intaasi kumayn ekaanin waxa ay sidoo kale faragashadeen meelo badan oo lagu tumayey in uu ka jiro ururka Ikhwaanul Muslimiin maadaam uu Isagu calanka u siday waxan loogu yeero Al-islaam As-siyaasi.
Markii ay arimuhu adkaadeen ka dib, Waxaa si toos ah loo abaaray dalalkii taageeri jiray kacdoon-wadayaasha Carabta sida Turkiga iyo Qadar oo kale, Iyagoo waliba loo raadiyey eedeymo aan jirin, Waana halkaasi halka ay mishkiladdu ka taagan tahay. Tusaale ahaan, Haddii uu khilaaf jiro, Sow ma’ahayn in khilaafkaasi laga wadahadlo, Iyada oo la marayo wadooyinka wax lagu xaliyo ? Maxaa keenayo cunaqabateynta iyo xiriirka oo la isu gooyo ? Sow arintu ma’ahan waxa ay Soomaalidu tiraahdo Baroorta orgiga ka weyn.
Marka aad u fiirsato eedeymaha ka imaanayo Sacuudiga iyo Imaaraadka ee lidiga ku ah Qadar, Waxaad dareemeysaa in eedeymahaasi dhamaantood ay yihiin kuwo aan caqligal ahayn. Tusaale ahaan, Waxaad arkeysaa Iyagoo ku cadaadinayo Dowladda Qadar in ay raacdo siyaasaadkooda ku aaddan arimaha dibadda iyo dagaalka lagula jiro wadaadada siyaasadda ku jira sida ururka Ikhwaanka oo kale. Taasi oo runtii xadgudub ku ah madaxbanaanida dalka Qadar. Sidee dal kale ugu cadaadin kartaa in uu raaco siyaasaadkaaga ku dhisan caburinta iyo qar-iskatuurimanada !!
Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan maanta kaga waramayo go’aanka ay Dowladda federaalka ee Soomaaliya ka qaadatay khilaafka u dhexeeya dalalka Khaliijka ee walaalaha ah. Anigu, Waxaan qabaa runtii in Dowladdu ay qaadatay go’aan wanaagsan oo caqli iyo xikmad ku dhisan, Islamarkaana ka tarjumayo madaxbanaanida dalka iyo dowladda Soomaalida. Waxa uu sidoo kale go’aankaasi ka tarjumayaa dareenka dadweynaha Soomaalida oo aan dooneyn in ay dhexda u galaan khilaaf ka dhex jira dalal kale oo waliba walaalo ah.
Walaalayaal, Dowladda Federaalka, Waxa ay ku dhawaaqday go’aan dhexdhexaadnimo, Iyadoo dhinacayada ugu baaqday in ay khilaafka ku dhameeyaan wadahadal iyo is-afgarad. Talaabadan, Ayaa u muuqata mid ay uga hortageyso saameynta ka dhalaneyso haddii ay dhinac raacdo ama uu khilaaf sii socdo. Khilaafkan, Ayaa imaanayo Iyadoo Dowladda uu xiriir wanaagisani kala dhexeeyo dhammaan dhinacyada uu khilaafkani u dhaxeeyo maadaama lagu wada jiro Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.
Talaabadan laga fiirsaday, Ayaa marqaati u ah hogaaminta wanaagsan ee uu la soo baxay Madaweyne Farmaajo oo runtii ay ka muuqato karti, aragti-dheeri, geesinimo iyo waliba in uu ilaalinayo sharafta dadweynaha Soomaalida iyo dalkooda. Waxaa sidoo kale ay talaabadani marqaati u tahay waa haddii aan laga noqonine kartida iyo aqoon-dheerida ka muuqata Re’isulwasaare Xasan Cali Kheyre iyo Golihiisa Wasiirada oo runtii aan oran karo waa kuwii ugu wanaagsanaa ee Soomaaliya soo mara tan iyo burburkii.

Maxaa ka fiican inaad dhexdhexaad noqoto si aad uga nabadgasho dhibaatooyinka ka dhalanayo khilaafkan halista badan ? Sow ma haboona inaad musaalaxo ka dhex raadiso dhinacyada ishayo intii aad dhinac ku biiri lahayd. Sow Alle kuma oran aayadda 10-aad ee suutarul Xujuraal “Mu’miniintu unbaa walaala ah ee heshiisiiya dhexdooda, Allana kabaqa ” Sow Nabigeenna ma dhihin “U hiilli walaalkaa haddii uu gardaran yahay iyo haddii laga gardaran yahayba” Anigu, Waxaan qabaa in Dowladdu ay qaadatay go’aan wanaagsan oo u daneynayo dalka iyo dadka, gaar ahaan marxaladda hadda lagu jiro.
Haddii ay dhacdo in aan dhinac raacno, Anigu waxaan qabaa inaan la safanno dhinaca Qadar iyo Turkiga oo ah dhinaca la dulmayo, Islamarkaana aysan taageeridooda ku xirneyn shuruudo iyo maslaxado gaar ah sida Imaaraadka oo kale. Tan kale, Maxaa faa’iida ah oo ku jira taageeridda daalimiin rixim-goysyo ah, Iyadoo waliba lagu jiro bil barakeysan ? Caqliguse ma ogolaan karaa inaan Qadar kaga hiilino Imaaraadka oo qatar ku ah midnimada iyo madaxbanaanida dalkeenna ? Sow ma ogidiin in Imaaraadku uu si tartiib ah ula wareegayo dekadaheena, Iyada oo uu baalmarayo Dowladda Dhexe ?
Tan kale, Sow wax laga caroodo ma’ahan in Maamulka Soomaliland uu ka hadlo arin ay horay uga hadashay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah midda sharciyan masuulka ka ah dalka ? Maxaase maamulkan ku qasbayo in uu dhexgalo wax aanu shaqa ku lahayn, Isalamarkaana aanu mandate u haysan ? Mise meeshu waxa ay u maleynayaan golohooda Guurtida ee maalin walba ansixinayo sharcidarada. Anigu, Waxaan qabaa in Dowladdu ay la timaaddo qorsho gaar ah oo wax looga qabanayo maamulkan qatarta ku ah midnimada iyo madaxbanaanida dalka.
Waan ku celinayaa mar kale, Waa in Dowladda Federaalku ay la timaaddaa qorshe lagu kala furfurayo maamulka Soomaaliland maadaama uu qatar ku yahay dalka iyo dadka Soomaalida. Waa in uu qorshahaasi saameeyaa dhammaan shirkadaha iyo ashqaasta taageera maamulkaasi meeshay doonaanba ha joogaane. Sidee u daawaneynaa maamul doonayo in uu ku cayaarayo mustaqbalka dadka Soomaalida, xilli uu ka sii darayo xaalka Aduunka oo waayadan u muuqda mid halis ah, ka dib markii ay faraha ka baxeen khilaafyadi Dunida ka jiray.
Gabogabadii iyo gunaanudkii, Waxaan aaminsanahay in Dowladda Federaalka ay go’aan wanaagsan ka qaadatay khilaafka ka dhex jira Qadar iyo Dowladaha uu Imaaraadka horboodayo. Waxa uuna go’aankaasi ka tarjumayaa rabitaanka dadweynaha Soomaalida oo aan dooneyn in ay dhexda u galaan khilaafaadyo ka dhex jira dalal kale. Waxa uu sidoo kale go’aankaasi hoosta ka xariiqayaa in Soomaaliya ay tahay dal madaxbanaan oo aan hoostagin qoysaska Aala Sacuud iyo Aala Nahyaan ee ka kala arimiya Sacuudiga iyo Imaaraadka. Ilaahow waxaan kaa magangalnay inaan dad dulmi ku raacno. Aamin yaa Rabbi.

W/Q: Maxamed (Ragow)

[email protected]

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.