var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Igu Sawir  waa la isku Fahmay , waxqabad -na Ma noqon karo!!!

0

Dhaqan cusub ayaa yimid, IGU SAWIR ayaa la bartey, ilbaxnimo iyo horumar ayaa loo arkay, dhoolo tus ayaa caado laga dhigtay, is muujin ayaa la moodey in kalsoonida shacabka lagu heli karo, sheekada la yiraahdo IGU SAWIR waa arin ugub oo aan horey loogu aqoon Dawladihii Wadanka soo marey balse ay la yimaadeen madaxda Federaalka ee iminka talada haysa.

Magac ahaan IGU SAWIR aan Camerada isku aadiyee ayaa looga yaqaanaa Dawladaan goobaha ay bulshadu ku qaxweyso, Madaxweyne, Ras’iiul wasaare, Wasiir iyo xitaa Gudoomiye Gobol waxay ka siman yihiin IGU SAWIR, muuqaal ahaan shaqadooda waxay ku soo koobeen igu sawir aan FACEBOOK dhigee, ma xuma in sawir laga soo qaado hawlaha la qabanayo hase yeeshee ma qurux badna in shaqo kasta laga dhigo mashruucii IGU SAWIR.

Waxqabad, daacadnimo iyo dhawrsanaan ayaa loo baahann yahay, faan, is-tustus iyo halagaa sheego meelna laguma gaarayo, caqligu ha shaqeeyo IGU SAWIR waxqabad ma noqoto, kalsoonida iskama timaado balse waa la kasbadaa, saluug ayay dadku muujinayaan, naqdin badan ayaa lagu hoos qoraa marka baraha bulshada la soo dhigo wax u muuqda sawir dadka laga gadayo.

Haddaba Soomaaliya ma IGU SAWIR ayay u baahan tahay mise Waxqabad? Fadlan nala wadaag Fekerkaaga.

C/laahi Shiikhaalow

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.