var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

G/Banaadir oo helay Matelaad iyo xuquuq la mid ah tan dawlad Goboleedyada Qooqay ee Soomaaliya.

0

Shirweynaha looga tashanayo hanaanka dib u heshiisiinta Qaran ee ka soconaya Magaalada Muqdisho ayaa si rasmi ah u aqbalay xuquuqda uu G/Banaadir ku leeyahay Federaalka Soomaaliya, madaxda hogaaminaysa shirweynahaasi oo ka socda Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa u qoondeeyay G/Banaadir Matelaad iyo xuquuq la mid ah tan Dawlad Goboleedyada ee lagu casuumay halkaasi.

Ergada matalaysa G/Banaadir ayaa tixgalin aad u balaaran ka heshay shirweynahaasi, ajandayaal ay ka mid ahaayeen caqabadaha, fursadaha iyo horumarka ka jira Dawlad Goboleedyada iyo G/Banaadir ayaa lagu jeex-jeexay madashaasi.

Wakiiladii ku hadlayay magaca G/Banaadir ayaa madashaasi ka soo jeedisay dhibaatooyinka uu la daalaa dhacayo G/Banaadir, waxayna si buuxda u cadeeyeen inay nasiib daro tahay in Seddex Milyan oo Soomaali ah inay matalaad ka weyso Aqalka Sare ee Dalka, iyagoo ku cel-celiyay in si deg-deg ah loo sameeyo Maqaamkii u gaarka haa Magaalada Muqdisho.

Berri ayaa lagu wadaa in shirweynahaasi la soo gaba-gabeeyo, war murtyeedka ka soo bixi doono shirweynahaasi ayaa qeyb waxaa ka noqon doono soo jeedintii ka timid ergadii ka socotey G/Banaadir ee halkaasi ku sugneyd.

Habeen dambe ayaa lagu wadaa ka qeyb galayaasha shirweynahaasi in casho sharaf loogu sameeyo xarunta Aqalka D/Hoose, Taasi oo loogu talagalay in lagu taageero guusha uu G/Banaadir ka soo hooyay shirweynahaasi.

Waa alle mahadiis haddii xuquuq-laawihii G/Banaadir uu helay Matelaad iyo xaq dhawr la mid ah tan Dawlad Goboleedyada Federaalka, halgan iyo naf hurnimo ay sameeyeen ergadii reer Banaadir ee madashasi joogtay ayaa ku najaxday soo dhicinta xuquuqdaasi.

WQ: C/laahi Shiikhaalow

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.