var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Diaspora, cilmigeeygan miyeey arki waayeen qorax joogtu?NASASHADA JIMCAHA.Q-49aad.

0

HORDHAC: waa Jimcihii ugu dambeeyay bisha Ramadaan 2017, waxaan idiin sii hormarinayaa CIID mubaarak, Waxaan idin rajeeynayaa jimcahan jimcihiisa kuwii sama iyo siyaado ku gaaro. Yaah,,, ma sidaas ayaad u nolol jeceshahay, Jimcaha miyaa kula dhaw, OK ciidan ciideeda, Aamiin .

su’aal.7×7=49.nasashadii 49aad,meeqa bil ayeey socotaa? Adigu meeqaad ka aqrisay?.

1-Naag Maseeyrsan ayaa Wiil Yar oo ay Dhashay uu xeebta Liido u raacay. Intii ay xeebta joogeen ayaa Waxaa Ka hor timid Naag aad CAATA u ah, Wiilki Yaraa Intuu Yaabay ayuu Yiri: Hooyo Tan Waaba Dhiman Rabtaa, Sidaada oo Kale May Iska Shidnaato. Hooyadii maseeyrsaneed ayaa ku tiri: Nacaskii ku dhalay Barwaaqadan na Saaran ayuu arki La’yahay. Wiilkii ayaa ku yiri: saa’id, saa’id hooyo laakin adigu Jiim ayaad u bahantahay. Fiiri sawirka 1aad.

( Diaspora, cilmigeeygan miyeey arki waayeen qorax joogtu. 4 sanno baby care, 3 snno taxi driver, 2 sano Hotel waiter. Wax weeyn ayaan ka qaba karaa amniga Somalia, wadda kasta dhagxaan ayaan ku gooy lahaa, dhagar qabayaashu meel ay maraan ha waayeen, dadkuna guryaha haku xayirnaadeen,inteeba leeysku arkaa?. Waa talada khabiirka amniga!!! ).

2- Tuug ayaa hadda ka hor, Habeen u soo dhacay Guri ay Naag kali ahi joogto . Afkuu Ka Qabtay si ayna u qeylin, Wuxuna ku Yiri: Hadaad Qeeyliso Waan Ku Xoogayaa oo ku kufsanayaa Iska Jir, kadibna Afkuu uga qaaday gacantiisii, una sii Daayay.. Isla Markiiba Qaylo Ayay Bilowday, Tuugii Wuu Cararay oo Darbigii ayuu Ka Booday.

Naagtii Inta Ka Daba Qaylisay Ayay ku Tiri: “Tuuganimo” Iyo “Been” Baad Isku Darsatay, doqon doqon dhalay, bax fulaygiyoow lagu inkaaryee, . yaaaaah?.

3-Mid Bakhiil ah iyo Xaaskiisa oo cirweyneed ayaa Soor Wada Cunayay Markaas ayuu yiri: Waxaan jeclaan lahaa in Aniga iyo Adiga oo kaliya aan ahaano. Markaas ayey Xaaskiisii ugu Jawaabtay, Cowdi bileeyso , qofna nalama jiro waxaan nahay labadeena oo kaliya, Seygeedi ayaa ugu jawaabay: Waxa aan Lahadlayo Waa Soorta, Xaaskiina waa Xanaaqday .

( waa badantahay, hadal aad si u tiri ama qoraal aad si u qortay ,in dhageeystuhu ama aqristuhu si kale u qaato, Nasashada jimcaha ayaan qorayay ee adiga kuuma dan leheeyn).

4-Wiil Ciyaalka Xaafada ah ayaa waxa uu jeclaaday Gabar aad u buuran oo hilib badan, kadibna isagoo marqaansan, ayuu gabadhii Aabaheed Ka doontay, markaasaa gabadhii Aabaheed ku yiri: Gabadheyda meherkeeda waa 20-kun Dollar, kii marqaanka ahaa inta warqad iyo qalin jeebka kala soo baxay ayuu dhahay: Adeer caadi iigu sheeg, Calaa kiilo imisa ayaad iigu dhufatay? odeygii naxdin. Fiiri sawirka 2aad.

5-Nin Tuug ah ayaa Guursadey Gabar Tuugad Ah. 9 Bilood Kadib Waxa ay Dhaleen Wiil Gacanta Midig Shanta Farood u laabantahay, Sida ruux gacanta Feer u Duubtay oo kale, Wiilkii ayeey Dhaqtarka u Geeyeen Si Loogu Furo Gacantaan Duuban, Markii La furey Gacantii ayaa waxa Laga Helay Faraantigii Umulisada. Fiiri sawirka 3aad.

( wiilkii waa weeynaaday, mataqaan wasaarada uu hadda xisaabiyaha ka yahay?. ma kuu sheegaa? Alaheey ka Alle, waxaad u qaadanee qabyaalad. Adiguba waad taqaane sheeg).

6-Oday iyo xaaskiisa oo 60-Jiro ah ugu yaraana 40 Sano is qabay, ayaa habeen ku heshiiyay in ay is shukaansadaan si dhalinyaranimadoodi ay u xasuustaan. Odaygi ayaa Islaanti ku balamiyay Jardiin u dhow Makiinadda Saliida & Cajiinka ee Axmadeey jarmal.

kadibna intuu Labistay oo is Barafuumiyay ayuu Jardiinkii Fariistay. Odaygi markuu cabaar fadhiyay oo ay Islaanti u gooysay ayuu xaafaddii isaga soo noqday, wuxuu u yimid islaantii iyadoo Sariirteeda jiifto, Wuu ku xanaaqay markaasuu ku yiri Naayaa Maxaa Qabowga iigu dishay oo iigu goysay. Islaantii inta is Ooyinsiisay ayeey ku tiri: babe, babe, HOOYO ayaa i celisay. Fiiri sawirka 4& 5aad.

FG: Maxaad ku qoslee, haddii aad kaligaa iska qososho waxaa la leeyahay maxaa ku dhacay,ee ku dhah farxadii ciida ayaa Yahya Amir ii soo hor mariyay. Haddii aadan 6da sheeko ku qoslin waad xanuunsantahay ee dhaqtar u tag, haba ku qoslin ee walba 6da ujeedo & murtida ma fahamtay?.

Qore: Yahya Amir.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.