War Deg Deg ah: Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jubbaland oo mar kale dib loo doortay.

Goordhow ayaa waxaa la soo gagabeeyay tirinta Codkii ay dhiibteen Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ee Doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Maamulkaas.

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax,kuwaasi oo kala ah Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Xuseen Shiinow Cali.

Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay Natiijada Doorashada,waxaana Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Jubbaland loo doortay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo helay 55 Cod,kaasio ahaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka maamulkaas.

Sidoo kale Xuseen Shiinow Cali ayaa waxaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Jubbaland ,kaasi oo helay Codad gaaraya ilaa iyo 18 Cod.

Hoolka doorashada ka socotay ayaa waxaa ku wada sugnaa, Xildhibaanada Jubaland ee la dhaariyey dhammaantood,Odayaasha dhaqanka, Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo marti-sharaf kale.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline