Dadka Deegaanka Waabari Oo Markale Cabasho Kasoo Yeertay!

Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan degmada Waaberi oo Warbaahinta Ilwareed lasoo xiriiray ayaa inoo sheegay iney aad uga xunyihiin dhismo laga yaabo in laga dhiso bartamaha wado muhiim u ah deegaanka, taasoo keeni karta in dadka deegaanka ay jid dheer usoo maraan suuqa iyadoo sidoo kalena guryaha ku yaala wadadaasi ay waayi doonaan wadadii loosoo mari lahaa.

Wiil uudhalay marxuum Maxamuud Sheekh Cusman allaha unaxariistee ayaa inoo sheegay in dhismahani ku noqon doono caqabad sidaa darteedna ay ka codsanayaan maamulka gobolka banaadir inuu wax ka qabto arintan, waxa uuna xusay in dhismaha jidka laga dhexdhisaayo uusan xayiraad ku aheyd hal guri oo kale balse uu saameyn doono dhamaanba dadka deegaanka waayo waa wado hal bowle u ah deegaanka ayuu yiri.

Daawo Muuqaalka uu inoo soo diray isagoo sharaxaya sida ay wax ujiraan.